Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ambassador Mohamed Ali Ameriko a true patriot

Recommended Posts

Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay soo garsiisay raali gelin ku aadan dad ay ciidamadeedu ku laayeen gobolka Jubbada hoose.

 

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Maxamed cali Ameerico ayaa Radio Muqdisho u sheegay in warqad ashtako ah uu u diray dowladda Kenya, taas oo ku aadaneyd muwaadiniin Soomaali ah oo ciidamada Kenya ay ku dileen deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Danjiruhu intaa ku daray in dowladda Kenya ay ka soo jawaabtay ashtakada uu u gudbiyay, wuxuuna xusay in ay raaligelin ka bixisay arrintaasi.

 

‘’in ksatoo dowladda Kenya ay ciidamadeedu taageerayaan ciidamadeenna XDS ee howlgallada ka wada gobolka Jubbada hoose, haddana kama ogolaaneyno in ay xasuuqaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kamana haridoono ilaa ay Kenya bixiso magta dadka ay ku dileen Jannaay Cabdalle’’ ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Ameerico.

 

Hadalka Danjiraha ayaa yimid xilli dhawaan askar ka tirsan ciidamada Kenya ay Tuulada Jannay Cabdalla ee G/J/Hoose ku dileen muwaadiniin Soomaali ah oo ka mid ahaa dadka ku nool Tuuladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this