Sign in to follow this  
Fiqikhayre

European Union Special Envoy for Somalia Michele Cervone D'Urso arrives in Garowe

Recommended Posts

Garowe: Wakiilka EU Somalia oo booqasho ku yimid

23 Sep 23, 2012 - 2:54:16 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michal Caravan ayaa maanta 23 September,2012 waxa uu booqasho ku yimid magaala madaxda Puntland ee Garowe.

 

Xarunta madaxtoyada ayuu kulan kula qaatey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ,kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiisha madaxtoyada.

 

Kulankan oo gaar u ahaa dhinacyadan ayaa markii uu soo dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii ay isla soo qaadeen labada dhinac intii shirkoodu socdey.

 

Ugu horeyn Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa ka booqashadan ku tilmaamey mid isbarasho iyo kala warqaadasho guud ahaan xaalada Puntland iyo tan Somalia.

 

Xoojinta xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale shegeey Dr,Farole inay ka wada hadleen iyo weliba horumarinta mashaariicdii ay dalka EU ka wadeen.

 

Maadaama dalku ka baxay KMG-nimada islamarkaasina marxalad cusub la galay ayuu tibaaxey madaxweynaha Puntland iyo inay rajaynayaan in Midowga Yurub ay dardargeliyana hawlihii ay ka wadeen Puntland.

 

Dhankiisa ayuu tilmaamey Wakiika EU-da Somalia u qaabilsan Michal Caravan in markii la magacaabeyba u Somalia u soo dhoofey si uu kulamo ula yeesho dhinacyada.ayna isla soo qaadeen anisixintii dastuurka Puntland.

 

Waxa uu xusey Caravan inaan marnaba la ilaawin karin dadaalkii Puntland u gashey dhamaystirkii KMG-nimada Somalia,isagoona raaciyey in Somalia bog cusub u furmey oo gashey marxalad dowladnimo.

 

Midowga Yurub ayuu sheegey in 20-kii sanno ee la soo dhaafey taageero la dhinac taagnayeen Somalia,

 

‘’Waxaan u mahdcelinaya Madaxweyne Farole ,wada hadal qiimo badan ayaan yeelanayo ,waxana rajeynayaa dhaqso inaan ku soo laabto’’ ayuu ku soo dhameeyey hadalkiisa wakiilku.

 

Booqashooyin ayuu ku soo marey Michal Caravan Mauqdisho iyo Hargeysa ka hor intaanu iman Garowe ,waxana guud ahaan ahaayeen kulamadaasi kuwo la isku baranayey laguna kala warqaadanayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this