General Duke Posted September 22, 2012 Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Diley September 22, 2012 19:36 3 Comments -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa saacaddu markey ahayd 6:20 fiidnimo makhribka kadib lagu diley Magaalada Muqdsiho XIldhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Mustafe Xaaji Maxamed Cabdullaahi ayaa dilka loo geystey xili uu ka soobaxay Masjid ku yaala degamada Waaberi ee Gobolka Banaadir xili uu salaadii Makhrib soo gutey. Dilka Xildhibaanka waxaa fuliyey dhalinyaro ku hubeysnaa Baasatoolado, isla markiiba waxa ay ka baxsadeen goonta dilku ka dhacay. Xildhibaanka ayaa baarlamaanka ka soo galay Beesha shanaad waxaana la sheegay in uu ahaa Aabaha Marwadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed Faadumo Mustaf Xaaji Cabdullaahi waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaanada cusub. Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan, habeenkii xalay waxaa siyaabo kala gedisan loogu diley magaalada ilaa 4 qof oo qaarkood Dawladda ka tirsanaayeen. Horseed Media Muqdisho, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 22, 2012 Xildhibaanki ugu horeeyey ee ka tirsan Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa caawa Muqdisho lagu dilay Rag hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaankan oo lagu magacaabo Mustaf Xaaji Maxamed Macalin ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray madaxa kaasi oo ay u geysteen rag ku hubeesnaa bistoolado xilli uu joogay banaanka gurigiisa oo ku yaala xaafada Cali Boolaay. Sida wararku sheegayaan xildhibaan Mustaf ayaa dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Dilka xildhibaankan ayaa ah kii ugu horeyey ee loo geysto mudanayaasha baarlamaanka cusub ee dalka uu dhawaan yeeshay, baarlamanki ka horeeyey waxaa ka dhintay mudanayaal ka badan 15 ruux oo sababsaday gacanta Al Shabab. Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted September 22, 2012 Ilaahi haa u naxariisto, is it the father of the one who was pregnant and fainted? My prayers are with them. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yunis Posted September 22, 2012 AUN, this seems to be a hit. lately are evil forces with sinister plans to derail any progress... Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 Somalia;872392 wrote: Ilaahi haa u naxariisto, is it the father of the one who was pregnant and fainted? My prayers are with them. AUN, yeah Somalia that is correct Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 Shariif is dumb though inuu sodogiis amaankiisa ka fikiro bey aheyd since he's not only a father in law but also a mp.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted September 22, 2012 ^^ dumb or smart, you can't do anything when your time comes. AUN. feel sorry for the girl. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 mooge your correct laakin marxuumka was a easy target nobody cant deny that.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted September 23, 2012 I guess guns grow on the trees in Somalia, daily killings and yet no suspects . Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 23, 2012 walaalkiis your talking like the cadaan ,stop being so naive man. Quote Share this post Link to post Share on other sites