oba hiloowlow Posted September 22, 2012 Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waabarigii u ruuqaansaday magaalada Jowhar, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan duleedyada magaalada, halkaasoo Ciidamada ay ku dhowaadeen. Dad ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in saaka waabarigii ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka ruuqaansadeen Balcad, iyagoo qabtay wadada Laamiga ee aada magaalada Jowhar. Wararka saaka aanu ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xaalad feejignaan ay ka jirto maagaalada, dadkuna ay dareen gaar ah ka qabaan hadba marxaladaha meesha ay marayaan. Xiriiro aan la sameynay magaalada ayaa naloo xaqiijiyay in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, kaasoo aan la ogeyn inuu yahay mid dagaal iyo inay isaga baxayaan magaalada, kadib markii ay ka war heleen in lagu soo wajahan yahay. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay taageerayaan gawaarida gaashaaman sida dabaabaadka iyo kuwa qoryaha lidka diyaaradaha ayaa ka gudbay deegaanka Qalimow oo qiyaastii magaalada Jowhar u jira ilaa 30-KM. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay qorsheynayaan in saaka ay la wareegaan magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Shabellaha Dhexe. Dadka ku nool magaalada ayaa cabsi ka qaba in lagu dhex dagaalamo, maadaama intii magaalada ay isaga kala dambeeyeen maamuladii soo maray ay dagaalo ka dhaceen. Magaalada Jowhar oo Muqdisho dhinaca waqooyi ka xigta 90-KM ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku caan ah wax soo saarka beeraha, waxay sanadkii 2005-tii marti gelisay dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Kenya, xilligaasoo ay hogaaminayeen Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada, kadib markii saaka laga war helay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka soo dhaqaaqay degmada Balcad ay ku soo wajahan yihiin magaalada. Dadka ku nool magaalada ayaa dhegaha u taagaya xaaladaha jira, iyadoo Ciidamada huwanta ay ku soo dhowaadeen duleedyada magaalada. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada isbaheysanaya ay gaareen deegaanka Boorow oo magaalada Jowhar u jirta ku dhowaad 17-KM, iyadoo la sheegayo in Ciidamada ay labo wado ku kala socdaan oo kala ah wadada laamiga iyo wado jid-cade wareeg ah. Ciidamada huwanta ayaa ku hubeysan Taangiyada iyo kuwa gaashaaman, kuwaasoo saaka la arkayay iyagoo saf dheer ku socday, hareeraha wadooyinka ay ku socdeen Ciidamo lug ah. Dad kala duwan oo saaka aan Taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in Iskuuladii Waxbarashada magaalada saaka la fasaxay, halka ganacsiga uu yahay mid gaabis ah. Al-Shabaab ayaa intooda badan isaga baxay magaalada Jowhar, inkastoo saaka lagu arkayo xarumaha iyo saldhiga ciidamo aan badneyn. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaab aan ka go'neyn inay dagaalamaan, maadaama intooda badan ay isaga baxeen, hase ahaatee ay ka cabsi qabaan in dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq soo qaadaan hadii Ciidamada huwanta la wareegaan magaalada. Sarkaal ka tirsan dowladda oo diiday magaciisa ayaa inoo sheegay inay ka go'an tahay in maanta ay la wareegaan magaalada Jowhar oo ah Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe. Al-Shabaab ayaa ka talinayay magaalada Muqdisho tan iyo bishii May 2009-kii, kadib markii ay ka qabsadeen Maxkamadihii Islaamiga oo berigaas heystay magaalada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 Latest news: 100 Al shabaab fighters oo isku dhiibay dowladda outside jowhar.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted September 22, 2012 That is great news thanks Oba;) Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 no problem showqi stay tuned wax lagu farxo aa la maqlaa goor dhow.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 22, 2012 138 views Ciidamada huwanta oo saakay duulaan ku qaaday Jowhar iyo Al Shabab oo isaga baxay Waxaa Qoray: Abdiqadar Ahmed inShare Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa saakau weerar ku qaaday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas oo ay sadexdi sano ee lasoo dhaafay maamulayeen Al Shabab. Ciidamada oo ku qalabeysan taangiyo iyo baabuurta qafilan isla markaana aad u badan ayaa ka baxay Balcad, waxaana ay hada ku suganyihiin deegaanka Garsaale oo inyar u jirto magaalada Jowhar. Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guud ahaan Iskuulada Hoose, Dhexe iyo Sare kadib marki ay halkaasi ku dhaawadeen ciidamada huwanta ah. Magaalada ayaa waxaa ka jirto cabsi xoog leh marki ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay duulaan culus ku qaadeen magaalada si ay u qabsadaan. Dad kala duwan oo aan saakay qadka telfoonka kula hadalnay ayaa inoo sheegay in magaalada ay ka baxeen inta badan madaxda Al Shabab halka ay hada joogaan in yar oo iyaguna la filayo in ay ka baxaan. Ganacsiga ayaa si gaabis ah u socdo, dadkuna dhagaha ayey u taagayaan sida ay wax u socdaan iyo halka ay arrinini mareyso, walwalka ay qabaanna waa is badalka siyaasadeed ee ay magaalada galeyso iyo saameynta ka dhalan karta. Hadii ay Dowlada qabsato Jowhar waxaa ay dhabar jab ku noqoneysaa Al Shabab, sababtoo ah waxa ay ka dhigeysaa in Shabab ay lumiyaan mid ka mid ah sadex magaalo oo hada gacantooda kusoo hartay. Quote Share this post Link to post Share on other sites