Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya : Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya

Recommended Posts

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa iska beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaarkeed oo ay ka soo xigteen Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri, kaasi oo ku saabsanaa qarax toddobaadkii la soo dhaafay uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in hadalada ay saxaafadu qortay kana soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay yihiin kuwo dhaawac ku ah shacabka labada wadan, isla markaana qaraxaasi uu ahaa mid uu si weyn uga xun yahay.

 

"Mas'uuliyadda ammaanka Madaxweynaha cusub aniga ayay i saaran tahay ilaa inta uu xilka kala wareegayo" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo meel looga dhacayo mas'uuliyadda isaga ka saaran qaranka iyo Madaxda sare ee Dowladda.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay dhexdhexaad ka ahayn doorashadii ka dhacday dalka gudihiisa, isagoona tilmaamay in Dowladda Kenya ay wadday olole isaga ka dhan ah, iyadoo Kenya u gudbisay wadamada caalamka warbixin ay isaga uga horjeedo.

 

"Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya waxay wadeen dhaqdhaqaaqyo aniga la iiga soo horjeedo" ayuu yiri Madaxweynihii Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale xusay in dacaayadda beenta ah ee madaxda Kenya ka soo yeertay ay la xiriirto arrintaasi.

 

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka labada wadan uu uga tacsiyeynayo warka ka soo yeeray madaxda Kenya, isagoona sheegay in labada shacab ay ka dhaxeyso dano isku mid ah oo fara badan, sidaasi darteedna loo baahan yahay inay danahaasi wada ilaaliyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mudane.jpeg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay eedeynta loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxrooyada Qaranka ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay tahay nasiib daro eedeyntii loo soo jeediyay Madaxweynihii hore waxa uuna xusay in ay xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Kenya ayna u sheegeen in warkaasi uu yahay mid qalad ah kana bixin doonaan raaligen buuxdo.

 

“Waa in ay cadeeyeen wararkii ay qoreen warbaahin dalka Kenya Sheekh Shariif waa shaqsi soo qabtay mas’uuliyada dalka waxa uu naga mudan yahay xushmad dowladda Soomaaliya waxaa ka saaran Mas’uuliyada in ay dhowrto sharafta Madaxweynihii hore umana dul qaadan doono in meel looga dhaco sharaftiisa shacabka iyo dowladda Soomaaliya waa uu ku weyn yahay Madaxweynihii hore” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha mar wax laga weydiiday goorta uu soo magacaabayo R/wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in haatan uu haysto waqti badan oo soo magacaabayo R/wasaare mas’uul ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Mar uu ka hadlaya Madaxweyne Xasan Sheekh cafiska loo sameynayo dadka ay xukunto maxkada maalmaha xoriyada iyo munaasabada ayaa waxa uu tilmaamay in ay tahay in la cafiyo maxaabiista balse loo baahanyahay dowladda caadil ah taas oo lagu helikaro in la fuliyo go’aanka maxkada aana la cafindoonin ayna muhiimadiisu tahay in ay dhisanto dowladnimada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed-Cali-Ameeriko-Keydmedia-620x330.

 

 

Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya u gudbiyeen dowladda dalkaasi.

 

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi u gudbisay dowladda dalkaasi, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.

 

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligeli n ka bixindoono Wasiirku, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka.

 

Hadalka Danjire Ameeriko ayaa imaanaya xilli sida la sheegay wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalkaasi uu daabacay hadal uu ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera 13-kii bishan kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaasi ay sheegatay kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

transition is over , somalia is back , ............... the sleepin lion awakened .

 

The old distinctions between leaders and followers are gone , no longer will we tolerate division among our leaders .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

malistar2012;871001 wrote:
The old distinctions between leaders and followers are gone , no longer will we tolerate division among our leaders .

Haahey xiligii ay madaxdeenu ul Iyo diirkeed ay noqon lahaayeen oo ay hawsha meel qudha uga soo wadda jeesan lahaayeen ayaa la joogaa. No more nac-nac; niic-niic Iyo is qabqabsi...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this