Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland attends inauguration ceremony of President Sheikh Mahmoud Audio

Recommended Posts

Puntland oo ka qayb gashay caleemo saarka madaxwaynaha Soomaaliya [Maqal] a_7579.jpg

 

Wafdi ballaaran oo ka socda Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ka qayb gallay caleemo saarka madaxwaynaha Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya,waxaana wafdigaasi hogaaminayay wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan.

 

Khaliif Ciise Mudane Wasiirka Amniga Puntland oo waraysi siiyay radiogarowe ayaa shaaca ka qaaday inay maanta ka qayb galleen caleemo saarka madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka dhacday xarunta Gen,Kaahiye ,waxana ku weheliyay ka qayb gallkank munaasibadaasi xildhibaano kasoo jeeda Puntland.

 

"Runtii anoo wakiil ka ah madaxwaynaha iyo shacabka Puntland waxan ka qayb gallay caleemo saarka madaxwaynaha Soomaaliya waxaana si diiran noogu soo dhaweyay xarunta gudi si wanaagsan howsha u qaban qaabiyay"

 

"Madaxwaynaha Soomaaliya waxan u gudbinay khudbadii madaxwayne faroole oo qoraal ah si wanaagsan ayuu nooga gudoomay run ahaantii masuuliyiin tiro badan ayaa kasoo qayb gallay "Mudane.

 

Dhinaca kale Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inuu kullan la qaadan doono madaxwaynaha Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.isagoona sheegay inuu kalla hadlayo amaanka iyo waxyaabaha uga qorshaysay dhanka mamulka Puntland.

 

Xafladda caleemo saarka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaray jawi aad u degan ,iyadoona uu si toos ah qalabka iyo xogta dowlada soomaaliya ugalla wareegay madaxwaynihii hore ee soomaaliya ShiikhShariif Shiikh Axmad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this