Daqane Posted September 16, 2012 Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay ka qeybgalay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta oo axad ah Madaxweynaha cusub ee dalka uu ka howlgeli doono xafiiskiisa Villa Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inuu rajeynayo inay dhexmarto Baarlamaanka, Madaxweynaha cusub iyo xukuumadda la soo dhisi doono wada-shaqeyn buuxda, isla markaasna waxa uu sheegay inaysan dhici doonin Baarlamaan iyo Madaxweyne is’heysta oo khilaaf uu ka dhex jiro. “Haddii Alle idmo ma dhici doonto Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne isheysta, anaga Baarlamaan haddaan nahay shaqadeena waa sharci dejin, shaqadeena ayaan aqoonsan doonaa, waxaana Madaxweynaha ka fileynaa siduu noo balanqaaday inuu noo dhiso xukuumad garbo u noqota baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu intaasi raaciyey Guddoomiyuhu in isagu iyo xildhibaanada baarlamaanka aysan faragashan doonin arrimaha fulinta ee xukuumadda, isla markaasna Madaxweynaha ay ku ixtiraami doonaan howshiisa Madaxweynanimo. Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in waxyaabaha Baarlamaanka laga sugayo ay tahay soo saarista sharciyo dalka iyo dadka waxtar u leh isagoo ballanqaaday in shuruuc wax ku ool ah ay dalka u sameyn doonaan. “Baarlamaanka waxa uu ku ekaan doona howshiisa sharci dejinta, wixii fulin ah waxaa u deyn doonaa xukuumadda” ayuu yiri Prof. Jawaari. wuxuuna ugu baaqay Guddoomiye Jawaari xildhibaanada qurbajoogta ee ku jira baarlamaanka inay u soo diyaar-garoobaan shaqo dheer oo qaranka loogu adeegayo, ayna iska iloobaan inay dibadaha had iyo jeer u dhoofaan. Jawaari wuxuu sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee gudoonka Baarlamaanka ay diyaar u yihiin sidii shaqada Baarlamaanka ugu socon laheyd sidii loogu talogalay, isla markaasna ay meesha ka saari doonaan safaro dibadda ah oo micno darrro ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted September 16, 2012 Hope inshallah that this will be true, it was so tiring watching a speaker of parliament with no idea what his remit was, interfering in everything including ambassadorial appointments. Quote Share this post Link to post Share on other sites