Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo fariintii u horeysay u diray Al-Shabaab (Shir Jaraa’id)

Recommended Posts

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisii jaraa’id ugu horeeyay galabta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, maalin ka hor caleema saarkiisa, isagoo shirkiisa jaraa’id uga hadlay arrimo badan oo la xiriira waxyaabaha hor-yaala dowladdiisa.

 

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay inuu 30-maalmood gudahood ku soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare, isagoo ka dhawaajiyay inay dhamaatay is qab qabsigii iyo khilaafaadkii soo kala dhex geli jira Madaxda dowladda.

 

“Nidaam iyo qawaaniina jirta ayaa tilmaameysa, 30-maalmood ayaan heystaa inaan ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, ilaa sodonka maalmood sina igama dhaafi doonto hadii alle yiraahdo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id la qabtay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya lagu ixtiraami doono hey’ad kasta mas’uuliyadeeda, isagoo ka dhawaajiya in loo baahan yahay in Baarlamaanka doorkiisa qaato.

 

“Is qab qabsiga waa dhamaaday waxaa bilowday axdigii wada shaqeynta, iyo is ixtiraamka, in mas’uuliyad walba la isku ixtiraamo, aniga iyo Gudoomiyaha waxaa nahay labo qof oo saaxibo ku ah Soomaaliya inay Dowladnimo ka dhaqan gasho”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday waxa ay dowladdiisa ka yeeleyso, isagoo fariin adag u diray, waxaana uu xusay in Shabaab ka kooban yihiin labo qeybood.

 

“Shabaab waa labo qeybood, qeyb waa wiilal soomaaliyed iyo gabdho Soomaaliyed, waa wadaniyiin dalkan ayay wax ka leeyihiin, laakiin waxaa loo baahan yahay inay ku noolaadaan waxa dalkan iyo dadkan maslaxada u ah oo ay qaadaan oo ka shaqeeyaan, fariin maslaxada dalkan ku jirto, waxaan ognahay Shabaab in sababo badan wiilashaas iyo gabdhahaas ugu biireen, kuwaa ugu biiray sababo dhaqaale awgood, kuwaa ugu biiray amni darada dalka ka jirta awgeed, kuwaa ugu biiray ciil ay qabaan oo la baday inay aarsadaan rabaan, kuwaa ugu biiray caqiido ahaan inay aamisan yihiin mabaa’diida Shabaab ay wataan, waxaas oo dhan ayay isugu jiraan, anaga waxaa dooneynaa in la kala qaado, intaas oo dhan mid walba sababta uu Shabaab u galay inaan baabi’ino rabnaa, kii intaas ay anfici weydo, oo ku qanci waayo fursad kale ma lahan in lala dagaalamo mooyee”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd fariintiisa u horeysay oo uu Al-Shabaab u diray tan iyo markii Madaxweynenimada loo dhaariyay.

 

Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday kuwa aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Ajaaniibta ka bar bar-dagaalanta ayuu sheegay in aanay jirin wax ka dhaceeya, ilaa ay dalka ka tagaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo caqiiqadada qaldan dalka keenay.

 

“Waxaa soo haray kuwa aan Soomaalida aheyn, waxa naga dhaxeeya ma jiraan, dalkan inay ka tagaan, dalal ayay leeyihiin dalalkooda ha aadaan, wax naga dhaxeeyo ma lahan, caqiido qaldan dadkii keenay waaye, farsamada dadka Soomaaliyed ku leynayaan kuwii keenay waaye ajnabiga cilaaqaad nagama dhaxeeyo aan aheyn, dalka inay ka baxaan, ninkii Shabaab ka tirsan hadii go’aan ku gaaro inuu ka soo noqdo aad iyo aad ayaa u soo dhoweyneynaa, waa la ixtiraamaa, lama xirayo lama ciqaabayo, waa la soo dhoweynaa mujtamiciisa ayuu karaamo uga dhex noolaanayaan”ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday Maxaabiista la sii daayo xilliyada munaasabadaha Ciidaha, iyo maalmaha Xornimada, isagoo xusay in hada iyo wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in qof dambi leh in cafis Madaxweyne lagu sii daayo.

 

“Xilligan soo socda meesha waa ka baxday ama munaasabad qaran ha ahaato, hadii ay timaado daruufo rasmi ah oo qofka ama xanuun ama sabab kale awgeed ama xabsi aan ku sii jiri karin, kiis gooni waaye, qof fiyow oo dambigiisa qabo oo sidii shalay uu ku galay wali ah, qabiil hebel ama koox hebel la yiraahdo waxaan dhaceyn waayo, lama sii deynayo, Munaasabad ciidaha ama kowda luulyo waaye guud ahaan waa dhamaatay ninkii Maxkamada ay berri dil toogasho ku xukunto waa sideena aniga waa saxiixayaa, warkaas inuu cad yahay ayaa la rabaa in la ogaado”ayuu yiri Madaxweynaha cusub.

 

Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu fariin adag ugu diro Al-Shabaab oo dhowaan sheegay in aysan waxba ku kala duwaneyn Madaxweynihii hore iyo Madaxweynahan cusub oo ay ku tilmaameen in dowladdo shisheeye ay wataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dhawaan Cod aqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhawaajiyay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo ka dib shir jariad oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

 

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalka ugu horeyn qaatay ayaa waraabhinta u sheegay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Baarlamanka ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ah ay yihiin baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in haatan ay bilaabatay wadashaqeynti mas’uuliyiinta dowladda qof walibana lagu ixtiraamayo shaqadaasi si looga fogaado khilaaf dalkana uu u helo dowladda dhameystiran.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad ay siinayaan amaanka dalka si dadka ay u heleen nabadda iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad.

 

Waxaa uu Madaxweynaha u sheegay Ciidamada Amniga ku Mashquulsan iyagoo aan haysan waxyaabahii ay u baahnaayeen in hadii ay soo qabtaan qof ay ku tumayaan in amniga uu carqalad ku yahay in aan la soo daba kici karin.

 

" Qofka la tuhmo oo ay ciidamado soo qabtaan Wasiir Xildhibaan Agaasime Xitaa Madaxweyne ma damiinan karo waxaa uu sugayaa oo kaliya inta maxkamad ay ka xukumeyso dambi hadii uu leeyahay iyo hadii uu yahay qof aan dambi laheen qofkii rabo in uu badbaadiyo qofka walaalkiis waxaan farayaa in uu Qareen Qabsado intuu uu waqti iyo dhaqaale faro badan uu ku bixin lahaa Laaluush inta aan xafiiska joogo qofna uusan rajo ka qabin in dambi uu galay cafis loga fidiyo hadii la xukuom hal bil ama boqol sano waa uu dhameesanayaa waqtiga ay maxkamadu xukuntay"

 

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagan sugida amnigooda ayna naftooda u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka sidaa dareedeedna shacabka ay gacan ka geystaan in ay farmuuqaan shaqsiyaadka wado carqalad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Major Points

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dhawaan Cod aqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhawaajiyay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo ka dib shir jariad oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

 

 

Shabaab waa labo qeybood, qeyb waa wiilal soomaaliyed iyo gabdho Soomaaliyed, waa wadaniyiin dalkan ayay wax ka leeyihiin, laakiin waxaa loo baahan yahay inay ku noolaadaan waxa dalkan iyo dadkan maslaxada u ah oo ay qaadaan oo ka shaqeeyaan, fariin maslaxada dalkan ku jirto, waxaan ognahay Shabaab in sababo badan wiilashaas iyo gabdhahaas ugu biireen, kuwaa ugu biiray sababo dhaqaale awgood, kuwaa ugu biiray amni darada dalka ka jirta awgeed, kuwaa ugu biiray ciil ay qabaan oo la baday inay aarsadaan rabaan, kuwaa ugu biiray caqiido ahaan inay aamisan yihiin mabaa’diida Shabaab ay wataan, waxaas oo dhan ayay isugu jiraan, anaga waxaa dooneynaa in la kala qaado, intaas oo dhan mid walba sababta uu Shabaab u galay inaan baabi’ino rabnaa, kii intaas ay anfici weydo, oo ku qanci waayo fursad kale ma lahan in lala dagaalamo mooyee”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd fariintiisa u horeysay oo uu Al-Shabaab u diray tan iyo markii Madaxweynenimada loo dhaariyay.

 

Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday kuwa aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Ajaaniibta ka bar bar-dagaalanta ayuu sheegay in aanay jirin wax ka dhaceeya, ilaa ay dalka ka tagaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo caqiiqadada qaldan dalka keenay.

 

“Waxaa soo haray kuwa aan Soomaalida aheyn, waxa naga dhaxeeya ma jiraan, dalkan inay ka tagaan, dalal ayay leeyihiin dalalkooda ha aadaan, wax naga dhaxeeyo ma lahan, caqiido qaldan dadkii keenay waaye, farsamada dadka Soomaaliyed ku leynayaan kuwii keenay waaye ajnabiga cilaaqaad nagama dhaxeeyo aan aheyn, dalka inay ka baxaan, ninkii Shabaab ka tirsan hadii go’aan ku gaaro inuu ka soo noqdo aad iyo aad ayaa u soo dhoweyneynaa, waa la ixtiraamaa, lama xirayo lama ciqaabayo, waa la soo dhoweynaa mujtamiciisa ayuu karaamo uga dhex noolaanayaan”ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this