AYOUB Posted September 12, 2012 Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin September 11, 2012 - Written by editor Muqdisho:-Waxaa dhowaan soo gaaray halgan.net nuqulka bayaan tahniyad iyo isugu jira talo siin oo ay Jamaacada Al-Ictisaam bil bitaabi wassunnah u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sh. Maxamuud. Bayaanka oo uu ku saxiixan yahay amiirka jamaacada Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa jamaacadu waxay* si qoto dheer ugu tahniyadeysay madaxweynaha cusub, waxayna ugu duceysay in Ilaahay solonsiiyo talada toosan, iyo in uu ku galladeysto holwadeenno wanwanaagsan. Intaa kadib jamaacada Altisaam waxay madaxweynaha ugu naseexeyneysaa Alle ka cabsi sir iyo calanba, iyo in uu daacad u ahaado Kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. iyo in danta guud ee dalka uu ka hor mariyo danaha gaarka ah. Jamaacada Al Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu naseexeysay in uu u doorto xukuumadda la filayo in uu dhiso gole xukuumadeed oo lagu xulay amaano iyo karti sida ku xusan Qur’aanka kariimka ah ( إن خير من استأجرت القوي الأمين) Jamaacada Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqday hirgelinta mashruuca Islaamiga ah dalka iyo Islaameynta nolosha mujtamaca inuu ka dhigo kan ugu horreeya barnaamijkiisa iyo hagaajinta hey’adaha dowladda gaar ahaan hey’adda garsoorka iyo tan amniga si ay u baahdo cadaaladda oo ah aasaaska ay isku taagaan madaxnimada iyo xasilloonida. Jamaacadas Al-Ictisaam ayaa sidoo kale kula dardaarantay madaxweynaha in uu u sacyiyo sidii isku fillaansho loo gaari lahaa loogana kaaftoomi lahaa ku tiirsanaanta qeyrkeen, gaar ahaan arrimaha ammaanka, difaaca ilaalinta qaranimada iyo madaxbannaanida dalka. Jamaacada ayaa ugu dambeyntii kula dardaarantay madaxweynaha* cusub mudane Xasan Sh. Maxamuud in khilaafaatka siyaasadeed uu ku xaliyo si nabadgalyo ah iyo in uu furo albaabada wadahadalka iyo dib u heshiisiin loo dhan yahay si looga baxo dhibaatada dabada dheeraatay ee dalku ku jiro. Halkaan riix Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin Halgan.net http://halgan.net/2012/09/11/amaacada-al-ictisaam-bil-kitaab-wasunnah-oo-madaxweyne-xasan-sheekh-u-dirtay-tahniyad-iyo-talooyin/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 12, 2012 I'm sure they want some positions ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted September 12, 2012 Well, they used to advice Sh. Sharif as well. Maybe you're right and it's some kind of reminder their kind of Mullahs "exist" and ministry of religious affair would be handy for a start. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 12, 2012 I don't think so ..... Nimanku sidaad mooday iskuma aha Quote Share this post Link to post Share on other sites