Sign in to follow this  
Coofle

Excerpts from my Geesi Fulayoobay

Recommended Posts

Coofle   

For the Somali wizards in SOL , I present Few excerpts from an upcoming tragic Story which I am writing, its about About surviving when Somalia Imploded at the same time it involves some Romance as an appetizer, ,,,,Anyway, I would appreciate some reviews about my Somali ....Thanks in advance..

 

Sanadku waxa uu gaadhay Kabo-Ka-Yaacii, Waa Muqdisho oo ololaysa, Qiiq baa ka baxaya, Dhinacaad eegtaba waa reer qaxaya iyo dhiig qulqulaya, Waa nin Qori sita iyo mid uu baacsanayo, hadii aad meheradaha bidhaamiso waa tuugo iyo budhcad damaanshadaysa, Dugsi iyo waxbarasho daa oo warkooda ilaw, Tii naf ahayd baa qir taagan, Ninkii fulay ahaa dhimay geesigiina cunahay taagantahay, waa cadaab yar, Yuug iyo Yamaanyuug baa malaha dhaamiba lahaa, Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicdu waxa ay noqdeen jabaq dhagtu la qabsatay oo aan dhibayn, hebel meeyay iyo Heblaayo meeday la isma waydiiyo, qof waliba waa tiisa, Qof waliba waxa uu Eebe ka baryayaa in uu Qorraxda Barri Dhaayaha saaro.

Xirsi Hooyadii 9 caano-maal ayay fool ahayd, Habartii ka umulinaysay Waxayba Rumaysnid in Ilmaha iyo Hooyada Midkood u talaabi doono dhanka aakhiro ama l is fool-raaci doonaan. Sidaa ma ay noqon oo taasi waxa ay ahayd imtixaankii Koowaad ee Xirsi loogu Carbinayay hagardaamooyinka noloshu ku soo gani doonto.

 

Xirsi Waxa uu dhashay Gu'gii Loo yaqiin "Bariis-gurad" Taasina waa ta ugu wacan bariis jacaylka oo aad moodaba markuu carrabka saaro 'xoor malab qaniinay'. Xirsi waxa uu dhashay Habeen Laxaha iyo Sacahu Irmaanyihiin. Fallaga markii la sii raacraacay, Odayadii habeenkaa taagnaa ardaaga reerku waxa ay ku heshiiyeen in Ilmahanu noqon doono laba mid, Waa Ka koowaade, Bahal habac ah Xoolo oo uu raaco dhaafe, Laftiisa sida maqasha la Ilaasho..waa ka labaade, In uu noqdo Nin Kartidiisa oo kale aan lagu arag laguna maqal Gayi kasta oo Lax Madax madoobi joogto..

 

Xirsi waxa uu u noqday waalidkiisa ubax dayr dhashay, Degaankiisana Ilmo tirada beesha kordhiyay oo ay ku il-doogsadeen.

Reerkaas ayaa waxa uu soo baxay If Xilli ay mugdi heehaabayeen, Waxa rumawday dhalanteed ay arkayeen, wax ay hollanayeen oo laabtoodu muhanaysay ayay arkeen. Xirsi ayaa noqday naakhuudyihii reerkiisa badwaynta jahwareerka ka saari lahaa una Gudbin lahaa dhinacaa iyo Xeebta horumarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this