Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Fariinta cusub ee madaxweynaha cusub

Recommended Posts

Fariintaan ayuu kusoo dhajiye boggiisa Facebook madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sh. Max'uud. Waaba nin internetka taageeriyaashiisa kala socdo una soo jawaabay just an hour ago, early morning in Xamar.

 

Asc dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walboo aad joogtaan waan idin wada salaamayaa salaan ka dib aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa taageeradiina wacan ee aad ii muujiseen waxaana idin leeyhaay hambalyo waan arkay fariimahiina waana idinkaga cudurdaarayaa in aan ka gaari waayay in aan idin jawaab celiyo waxaan idin leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin ducadiinii Illaah wuu ii aqbalay, xilkan aad ii dhiibateen Alle ha igu garabsiiyo sidii aan si caddaalad oo daacad ah u gudan lahaa mahadsanidiin

nxrltc.png

 

Waaba nin casriga cusub la socdee perhaps we can invite him to SOL, just as what Obama did on reddit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Heh@Liibaax spill the news..can we hack into his PM....

 

MM...SOL caasrii cussub maahaa....

 

PS I honestly didn't know the man clan until I talked to my walking dictionary Somali cabbie at the Masjid...He told me waar waaislaa Sharifkaa inaatheerki.....hahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barnaamishkiisa siyaasadeeda ee lagu doortay:

 

Barnaamijkiisa siyaasadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

 

Mudanayaal iyo Marwooyin Xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo marti sharafta nagala soo qeyb – galey fadhigan; salaan ka gadaal waxaan ka mahadcelinayaa waqtigiina qaaliga ah ee aad ii siiseen si aan idiinku soo bandhigo aragtideyda siyaasadeed ee la xiriirta hoggaaminta dalka xilli Soomaaliya ay qabto baahi isbadal iyo hoggaamineed oo leh karti iyo hufnaan kaasoo ku shaqeeya cadaalad, nabad iyo horumar.

 

Horudhac

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, dalkeenu wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah oo u baahan fikir iyo fiiro dheer lagu saleeyay waaya aragnimo aan ka kasbannay tixanaha sooyaalka taariikhda dhaw ee dowladnimada Soomaaliya.

In ka badan 22 sano oo isku day ah ka dib, Soomaaliya wali ma laha dowlad hanata dalka oo dhan oo fulisa himmilooyinka dadweynaha Soomaaliyeed. Maanta waxaan ku tilmaamannahay inaan nahay kuwo leh xerada qaxootiga ee ugu weyn adduunka, Musuqmaasuqoodu marayo meesha ugu sarreysa ee la gaari karay, Qatar amni isku haya dhexdooda, adduunyadana ku haya.

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, dhibaatadeenna ma aha waxa nalagu tilmaamo oo kaliya ee bal qiyaasa xanuunka ay leedahay gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay xero barakac ama qaxooti, oo ku kortay, ku guursatay ka dibna noqotay hooyo iyada iyo carruurteedaba ku nool xeradaas, aqoonta kaliya ee ay Soomaaliya u leeyihiinna ay ku saleysan tahay inta ay maqal iyo muuqaal ahaan uga arkaan ama uga dhageystaan saxaafadda gudaha iyo tan dibadda. Bal qiyaas xanuunka ay leedahay hooyo subax iyadoo caruurta siisaneysa quraac madfac habaaw ah ku habsaday ee dhammaan ama in badan carruurtii ka dhimatay, ka dhaawacantay ama naafoobay oo ay soo gaartay curyaannimo ay ku noolaadaan noloshooda inta ka hartay. Sidoo kale bal aan xasuusanno kuwa cabsi amni ama mid dhaqaale awgeed u tahriibay oo ku geeriyooday badaha ama lama degaannada dunida ama inta la qabsaday lagu xadgubay oo la addoonsaday. Meeqa Soomaali ah oo laga yaabo qaarkood iney goobtaan nala joogaan ama hawada naga dhegeysanayaan oo iyaga oo aan dambi lahayn inta la afduubtay la dulleeyay ka dibna madax-furasho aaney awoodin lagu qasbay inay bixiyaan.

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo marwooyin, bal mililicsada degmada, xaafadda ama tuulada aad ku nooshahay carruurta joogta, inta yar ee fursad u heshay tacliinta ka sokow, meeqa carruurteenna ka tirsan ayaa waddada carrada ku beegta ka dibna ku sifooba dib jirnimo. Meeqa carruurteenna ka tirsan ayaa la il daran ama u geeriyoota xanuunno la daaweyn karay, meeqa waayeelkeenna ka tirsan ayaa waayay daaweynta xannaanadii ay u baahnaayeen oo ay xaqa ugu lahaayeen dalkooda. Sidoo kale, immisa jeer ayaad goob joog usoo ahayd iyadoo nin gacan ku dhiigle ah oo dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo dambigii inta laga wareejiyay la yiri reer hebel baa nin naga dilay taasina ay sababtay in la dilo mid kale oo aan lug ku lahayn oo eedda uu leeyahay ay tahay oo kaliya inuu gacan ku dhiiglihii ku reer ahaa. Intaas oo xanuun ah waxa ka daran dhibaatooyinka dhaqan-bulsho ee soo gaaray ummaddeenna.

Xaddiga kala aamin-baxa, iyo kalsooni darrida bulshada dhexdeeda oo lagu sii daray dhaqanka cabsigelinta waxay ka dhigtay ummadeenna kuwa madhaleys ka ah xagga fikirka iyo fahamka dowladnimada casriga ah. Waxaa adkaatay curinta iyo ku dhiiranaanta xallinta mushkiladaheena. Waxaa badatay ku tiirsanaanta dibadda ee xagga fikirka xallinta mushkiladaheena, taas oo naga dhigtay kuwo marti ka ah ka talinta aayahooda, aayaha carruurtooda iyo guud ahaan aayaha dalka, dadka iyo diintaba.

 

Mudane Gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, haddii aan intaas ku soo koobo muuqaalka aan quruxda badneyn ee maanta ka jira dalkeenna, waxaa xusid mudan inaan leennahay taariikh dowladnimo iyo siyaasadeed oo lagu faani karo. Afrikadii lixdameeyadii xorowday marka laga eego arimahan:

  • Waxaan ahayn kuwo si sahlan oo aan colaad iyo ismaquunis lahayn ku midoobay iyagoo waliba ka xoroobay laba dhaqan siyaasadeed oo aad u kala duwan.
Waxaa in lagu faano mudan in aan lahayn madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikadii xorowday lixdameeyadii ee doorasho ku yimaad doorashana uga dagay xilka kadib markii xilligiisii dhammaaday ee dib loo soo dooran waayay.
Waxaan ahayn dalka kaliya ee qaaradda ee la hardamayay sidii ay u curin lahaayeen dowladnimo ku saleysan tala wadaag, halka Afrikadii nala midka ahayd ay xilligaas ku mashquulsanayd sidii ay u dhisi lahaayeen qowmiyadnimo isu keenta dad kala qolo ah.
Sidoo kale Soomaaliya waxay wax ka aasaastay ururro waaweyn oo maanta magac iyo maqaamba ku leh dunida. Soomaaliya waxay xubin firifircoon ka ahayd aasaasiddii Ururkii Midowga Afrika (OAU) ee hadda noqday midowga Afrika (AU) iyo kan dalalka Islaamka (OIC). Soomaaliya waxay xubin firfircoon ka ahayd lagana qaddarin jiray dhammaan siyaasadaha ururradaas.

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin hadii aad ii doorataan iguna aamintaan xilka madaxweynaha dalka waxa uu barnaamijkeyga siyaasadeed ka koobnaanayaa LIX TIIR OO WAA WEYN:

 

Tiirka 1aad: Xasilinta Dalka( Sareynta Sharciga iyo Dowladwanaaga)

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xasilinta Dalka waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku taagnaan karto dowladnimo Soomaaliyeed oo hana qaadda. Tiirkaan waxaa aasaas u ah:

  1. Amniga
Garsoorka
Dowlad Dhisid
Dowlad Wanaag
1.1. Amniga
:

  • Waxaan dib u habaynayaa isla markaana xoojinayaa hay’adaha amniga qaranka si ay awood buuxda ugu yeeshaan hanashada amaanka dadka iyo dalka mudo gaaban gudaheed.
Waxaan dhisayaa ciidan tayaysan oo guta waajibaadkiisa Qaran, isla markaana heli doona xuquuq iyo daryeel joogto ah.
Waxaan Abuurayaa xiriir wanaagsan oo ku saleysan kalsooni u dhaxeysa Shacabka iyo Ciidamada Qaranka.

1.2. Xagjirnimada
:

 

Waxaan ka hortagi doonaa Afkaarta Xagjirnimada diineed iyo midda qabyaaladeedba, meel na kuma lahaan doonto xagjirnimadaasi Soomaaliyada cusub.

 

1.3. Burcadbadeedda
:

  • Waxaan xoogga saari doonaa dhismaha ciidanka ilaalada Badaha Soomaaliyeed oo ka hortaga burcad badeednimada iyo kaluumeysiga sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo badbaadada Maraakiibta Ganacsiga Aduunka ee mara Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Waxaan shaqo iyo xirfad ay ku shaqeystaan aan u abuuri doonaa dhallinyarada camalka ka dhigatey falalka burcad-badeednimada.
2.1. Garsoorka
:

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, xasilin guud kama suuro galeyso dalka inta laga helayo garsoor caddaalad ah. Sidaas daraadeed:

  • Waxaan dhisayaa nidaam garsoor iyo Caddaalad madax banaan oo kalsooni iyo aaminaad uu ku qabi karo muwaadinka Soomaaliyeed, islamarkaasna dhowraya xuquuqda iyo xorriyadda aasaasiga ah ee muwaaddinka.
Waxaan soo celin doonaa sharaftii iyo Heybaddii Hey’adaha Garsoorka iyo Garsoorayaasha.
Waxaan hirgalin doonaa Nidaamka Xisbiyada Badan – si loo xaqiijiyo in Shacabku u doortaan Madaxdooda si xor iyo xalaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

2.3. Geeddi-socodka Dowlad Dhisidda

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, si loo dhiso dowlad dhammeystiran:

  • Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in Diinta Islaamku tahay SALDHIGGA HABNOLOLEEDKA shacabka soomaaliyeed,
  • Waxaan Dhammeystirayaa Dastuurka, gaarsiinayaana heer loo qaado afti Qaran.
  • Waxaan ku Baahinayaa awoodda dowladda dhammaan Gobollada Dalka iyadoo aan la tashan doono xildhibaanada Soomaaliyeed iyo indheer garadka.
  • Haweenka waa laf-dhabarka Ummadda Soomaaliyeed, Waxaana kor u qaadayaa dowrka haweenka ee ka qeyb –galka hey’adaha kala duwan ee dowladda.
  • Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dalka, waxaan hubin doonaa inaan u diyaariyo hoggaanka iyo horumarinta dalka muddada fog.
4.1. Dowladwanaagga:

  • Waxaan Dhisayaa maamul dowladadeed oo ku salaysan aqoon, karti, hufnaan iyo wadatashi.
  • Waxaan Ciribtirayaa Musumaasuqa, Eexda Laaluushka, Lunsashada iyo Kutakrifalka Hatida Qaranka.
  • Waxaan Abuurayaa Gudi Madaxbanaan oo la dagaalama Musuq- Maasuqa, isla markaasna waxaan dhisayaa Hey’adaha isla xisaabtanka Dowlada.
  • Waxaan horumarinayaa shuruucda Maaliyadda Dalka, isla Markaana Abuurayaa Hey’ad Qaran oo u xilsaaran Ururinta iyo Ilaalinta Canshuuraha iyo Dakhliga Dalka.
  • Waxaan Dhiiri-galineynayaa Warbaahin Madaxbanaan oo Mas’uul ah.
Tiirka 2aad: Soo nooleynta dhaqaalaha Dalka

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

2.1. Kaabayaasha Nolosha:

  • Waxaan ka shaqeynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha muwaadinka iyo mida qoyska Soomaaliyeed.
  • Waxaan Abuurayaa Xarumo lagu tababaro Xirfadleyda iyo Xoogsatada Soomaaliyeed.
  • Waxaan Dhiiragalinayaa Horumarinta Dhaqaalaha Qoyska Soomaaliyeed.
  • Waxaan dajinayaa siyaasad Dhaqaale oo ku saleysan suuqa xorta ah, isla markaana soo jiita maal-galinta dibadeed.
  • Waxaan kobcineynaa wax soo saarka dalka sida Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeysiga , isla markaana ka shaqeynayaa sidii wax soosaarkaas loogu heli lahaa suuqyo Caalami ah.
  • Waxaan ka hortagayaa xaalufinta Degaanka iyo Duur Joogta
  • Dibu –soo celinta Qaxootiga iyo Dibu Dajinta Barakacayaasha
2.2. Kaabayaasha Dhaqaalaha:

  • Waxaan ka shaqeynayaa dayactirka dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida waddooyinka, Dekedaha iyo Gegooyinka Diyaaradaha.
  • Waxaan hirgalinayaa Mashaariic Cusub oo lagu Dhisayo kaabayaal cusub, gaar ahaan goboladda dib u dhacsan si heeraka nolosha bulshadu u noqoto mid isu-dheelitiran.
Tiirka 3aad: Nabadeynta iyo dib u Heshiisiin

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

  • Waxaan Dhisayaa Guddi Heer Qaran oo waajibkiisu yahay inuu ka shaqeeyo Dib u Heshiisiin xag siyaasadeed iyo Xag Bulshaba.
  • Waxaan door muhiim ah siin doonaa hoggaamiyayaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culimaa’uddiinka, haweenka iyo dhallinyarada, waxaana la abuuri doonaa golayaal gaar u ah wadatashiga bulshada.
  • Waxaan ka howl-gali doonaa sidii loo abuuri lahaa bulsho Soomaaliyeed oo ka caafimaad qabta caddaalada darada, heyb sooca, quursiga, kooxeysiga iyo sadbursiga.
Tiirka 4aad: dib u noleeynta adeegyada bulshada:

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin;

  • Waxaan dib u soo nooleynayaa adeegii dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada, Biyaha, Korontada gaar ahaan waxaan xooga saari doonaa:
  1. Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
  2. Degaanka iyo fayadhowrka
  3. Waxaan hirgalinayaa waxabarahada aas aasiga oo lacag la’aan ah.
  4. Waxaan ka hirgalinayaa Jaamacado dhamaan Gobolada Dalka
  5. Waxaan Dhiiri-galinayaa iney qurba joogta Soomaaliyed ka qeybgalaan siyaasadda,¬ Dibudhiska Dalka, Horumarinta ,Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tiirka 5aad: MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMADDA SOOMAALIYEED

 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, haddii aad ii doorantaan hoggaaminta dalka:

  • Waxaan geed dheer iyo geed gaabanba u fuuli doonaa mideynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo loo marayo waddo nabadeed oo salka ku hayso wadatashi, isqaddarin iyo isu garaawshiyo la isaga garaabo wixii ka dhacay Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan ciddii wax u tirsaneyso intaba.
  • Wadahadalka billowga ee u billowday dowladdii KMG ah iyo Soomaaliland waa fursad muddo dheer la sugayay oo ay habboon tahay in si masuuliyad leh looga faa’ideysto.
  • Dowladda aan dhisayo waxay muhimad weyn sii doontaa si wadidda iyo ka mira dhalinta wadahadalkaas dib loogu yagleelayo midnimada dalka iyo dadkaba. Waxaan si dhab ah ugu howlgelidoonaa ka mira dhalinta wadahadalka iyo ka ilaalinta fashil kasta oo ku imaan kara wadahadalkaas si masuuliyad ku jirto, raalina la isaga wada yahay.
  • Waxaan amaanayaa Maamul Goboleedyada sameeyay amni iyo horumar lataaban karo.
TIIRKA 6AAD:

 

Abuuridda xiriir caalami ah oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi.

 

Mudane gudoomiye, Mudanayaal iyo marwwoyin,

  • Waxaan soo celinayaa sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya ay ku lahaan jirtey Aduunka,
  • Waxaan ku dadaalayaa in Soomaaliyada cusub ay xiriir wanaagsan oo ku dhisan iskaashi iyo is qaddarin la yeelato wadamada dariska iyo kuwa caalamka.
  • Waxaan kaalin wax ku ool ah ka qaadaneynaa ururrada ay Soomaliya xubinta ka tahay sida IGAD, AFRICAN UNION, ARAB LEAGUE, OIC, UN IWM.
  • Waxay dowladeydu ku dadaaleysaa in Gobolka GEESKA AFRIKA ka dhamaadaan colaadaha iyo Abaaraha.
Mudane gudoomiye, Xildhibaanada sharafta badan waxaan u taaganahay ISBEDEL ku dhisan caddaalad, karti iyo hufnaan, waxaana idinka codsanayaa inaad ii doorataan madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota, iguna aamintaan mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed si aan u xaqiijiyo himilooyinka ay hiigsaneyso ummadda Soomaaliyeed.

 

Waad mahadsantihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maarodi   

Apophis;867676 wrote:
Can someone translate this word: Xagjirnimada

Closest thing I could find

 

Xagjir means neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn, oo xag laga maalo. (From a friend's dictionary) :)

 

 

By the way does anybody know where I can get a thorough Somali dictionary of my own and how much they cost?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maarodi;867691 wrote:
Closest thing I could find

 

Xagjir means neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn, oo xag laga maalo. (From a friend's dictionary)
:)

 

 

By the way does anybody know where I can get a thorough Somali dictionary of my own and how much they cost?

This is when I realize in somaligu luuqad waalan yahay!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maarodi   

Beer-Gaal;867756 wrote:
This is when I realize in somaligu luuqad waalan yahay!!.

haha I know, but essentially MMA is right. I think the dictionary was referring to something else.

 

@ Apophis

 

I don't know what they mean either. It's too advanced for the common folk :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this