Saalax Posted September 10, 2012 Garowe [Radio RBC] Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe, ayaa ka halay doorashada madaxweynaha ee ka dhacday maanta Muqdisho. Faroole oo ka soo laabtay safaro uu ku kala tagay wadamada Ethiopia iyo Djibouti ayaa ugu horreyn u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku guuleestay doorashada madaxweynaha. “ Waxa aan aad ugu faraxsanahay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya iyo guusha weyn ee uu gaaray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoon yahan wax badan u taraya dadka Soomaaliyeed” ayuu sheegay Faroole oo caawa la hadlaayay BBC-da. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay u taallo shaqo adag oo laga doonayo in uu wax ka qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin siddii loo soo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku dacdareesan wadamada dariska. Waxa kaloo uu sheegay Faroole in uu looga baahan yahay madaxweynaha cusub in uu wadashaqeyn fiican la yeeshao maamul gobaleedyadda ka dhisan dalka Soomaaliya. Toddobaadkan ayaa maamulka Puntland waxa ay qoraal ay soo saareyn ku sheegeyn in ka digayaan in la soo celiyo maamul horrey u fashilmay. Radio RBC Xafiiska Wararka Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 10, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/09/madaxweyne-faroole-oo-soo-dhaweeyay-madaxweynaha-cusub-ee-soomaaliya/ Quote Share this post Link to post Share on other sites