Sign in to follow this  
Saalax

Faroole Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Saalax   

Garowe [Radio RBC] Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe, ayaa ka halay doorashada madaxweynaha ee ka dhacday maanta Muqdisho.

Faroole oo ka soo laabtay safaro uu ku kala tagay wadamada Ethiopia iyo Djibouti ayaa ugu horreyn u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku guuleestay doorashada madaxweynaha.

“ Waxa aan aad ugu faraxsanahay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya iyo guusha weyn ee uu gaaray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoon yahan wax badan u taraya dadka Soomaaliyeed” ayuu sheegay Faroole oo caawa la hadlaayay BBC-da.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay u taallo shaqo adag oo laga doonayo in uu wax ka qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin siddii loo soo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku dacdareesan wadamada dariska.

Waxa kaloo uu sheegay Faroole in uu looga baahan yahay madaxweynaha cusub in uu wadashaqeyn fiican la yeeshao maamul gobaleedyadda ka dhisan dalka Soomaaliya.

Toddobaadkan ayaa maamulka Puntland waxa ay qoraal ay soo saareyn ku sheegeyn in ka digayaan in la soo celiyo maamul horrey u fashilmay.

Radio RBC

Xafiiska Wararka Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this