Siyaasi Posted September 10, 2012 Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo si diiran u soo dhoweeyey doorashada madaxweynaha cusub ee dowlada Somalia Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia loo doortay caawa Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo cod aqlabiyad leh kaga guuleystay musharaxii la tartamayey Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Faroole ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo madaxweynaha cusub ee Somalia “Anigoo ku hadlaya magaceyga kan maamulka Puntland iyo kan shacabka Puntland waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, waa nin aqoonyahan ah oo da yar” ayuu intaa ku daraya C/raxmaan Faroole. Dhinaca kale, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu ugu mahad celinayo Baarlamanka Somalia oo uu sheegay inuu madaxweyne u doortay nin aqoonyahan ah oo nadiif ah dalkana aan ka gelin wax dembi ah “Waan ku hambalyeynayaa runtii waana ku faraxasanahay sida masiirka umadda ay ugu doorteen wejiyo cusub” ayuu inta ku daray. Faroole ayaa sheegay iney la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Somalia wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan Xasan Shiikh Maxamuud madaxweynaha cusub ee Somalia, waxaana Faroole uu la hadlay idaacada BBCda daqiiqado ka dib markii la doortay madaxweynaha cusub. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted September 10, 2012 :D :D told you so. Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted September 10, 2012 Maybe he should step down and let new leader who better suited take his seat Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted September 10, 2012 Good job, saasaa la rabaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted September 10, 2012 Waa arin aad ufiican. This shows Somalia has changed and matured a great deal, even Shariif Ahmed's last speech was a momentous one, a most welcome. Somalia shall rise, a new day and a new beginning insha'llah. Madaxwaynaha cusubna ilaahay haloo duceeyo si aas unoqdo midkoo fiican, uuna nagu noqon sida kuwa badan oo dadkaan maskinta soo marsaday oo bacda laga dhuuqsado. Quote Share this post Link to post Share on other sites