Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faisal cali waraabe on the elections in Somalia

Recommended Posts

Haddii Somaliya Ay Ka Soo Baxdo Dawlad Shisheeye Ku Shaqeysto, Waa Inaynu Dhaqaalaheena Xooga Galino, Si Aanu Dadkayaga Xasuuq Uga Difaacno” Faysal C. Waraabe

 

FAYSAL%20CALI%20WARAABE%20AA.jpg

 

pt 9,2012 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay doorashada Madaxtinimada Somaliya ee loo asteeyay Magaaladda Muqdisho ka dhacdo 10-ka bishan September.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in xubnaha baarlamaanka looga baahan yahay inay doortaan hogaamiye daacad ah oo Somaliya ka saara dhibaatada mudada dheer soo jiitamaysay, isaga oo tilmaamay inay nasiib daro tahay in baarlmaanka Somaliya uu qof kiristaan ahi Alle ka cabsi ku waaniyo.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay wada hadalada Somaliya ka baxdo, haddii doorashadasi lagu doorto dawlada shisheeye u adeegta.

 

Guddoomiye Faysal oo arimahaa ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Haddii aanu nahay shacabka reer Somaliland ma jirto wax xumaan ah oo aanu ka tirsanayno shacabka Somaliya, waxaanu u rajaynaynaa in ILAAHAY nabadgalyo siiyo oo uu ciidamada shisheeye ka dulqaado oo uu ILAAHAY beerkooda burcad isku mariyo..sida aanu anaguba wanaaga u jecelahay ayaanu idinkana wanaag idiinla jecelahay, Isku darsigii Lixdankii muu ahayn fikrad xun, waxay eegayeen aabayaashayo in shanka Somaliyeed meel la isugu keeno, taasi oo ahayd wixii ay u hureen xuquuqdii ay lahaayeen”

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay nuxurka Khudbadaha Musharixiinta ee Somaliland iyo dhibaatadii shacabkeeda la gaadhsiiya ku soo qaatay “Adeer (Musharixiinta Somaliya) waanu idin dhageysanaynay shalay, waxaad hadalkiina ku celcelinayseen waala xumeeyay (Somaliland) adeer lanama xumayne waxa lanoo beegsaday in lana tirtiro oo dadbaa shaadhadhka ku qortay in lana tirtiro, taariikhdana wax la qarinayaa ma jirto, laakiin waanu ka nabadgalnay oo ILAAHAY-baa guusha na siiyay, 21- sanadood ka dibna waxaanu nahay dawlad madax-banaan, ILAAHAY mooyaane wax awood ah oo aad noo leedihiina ma jirto, waxa muuqata in siyaasiyiintiinu aanay wali fahmin ujeedada Somaliland, hadalkiinuna wuxuu noqday calankaanu siinaynaa…calan iyo Madaxnimo labadaba waanu haysanaa, caasimadna waanu haysanaa, waxaanu jecelahay inaad maanta tiina ka talisaan, Somaliland-na dadkii lahaa ayaa gacanta ku haya, waxaanu doonaynaa inaanu tiina ka shaqeyno, maanta nimanka baarlamaanka ku jira ee bari codaynaya waxaanu leenahay, waxa laga yaqyaqsoodaa marka nin ajanabiya oo Afrikaan ahi uu idin yidhaahdo “ILAAHAY ka cabsada” hadda qofkaasi Kitaabkii ILAAHAY iyo Sunihii Nebiga (SCW) midna haysto oo nin Kiristaan ah, haddana idiinkii tukanayey ee Islaamka ahaa ayaa la idinka waaninayaa inaad codkiina iibisaan”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu anagu doonaynaa oo aanu idiinku ducaynaynaa in halkaasi dawladi ka soo baxdo oo dad Madax ah oo ILAAHAY ka baqayaa yimaadaan, anaguna aanu u wada hadalno si siman, Qaran-baanu nahay adduunku la macaamilo oo shaqeynayey 21 sanadood, idinkana maanta ayaa qaranimo la idiin bilaabayaa haddii ay idiin suurto-gasho, wax badan-baa inaga dhexeeya, daymihii ay dawladii hore magaca Somaliya ku qaadanaysay ayaa inaga dhaxeeya ee aanay anaga 10% wax ahayni naga soo gaadhin, waxa naga dhexeeya sidii aanu dadkayagii Jasiira lagu laayay aanu lafahooda u soo qaadan lahayn ee aanu si fiican ugu aasi lahayn, waxa naga dhaxeeya sidii aanu dadki dambiga naga galay aanu u dabagali lahayn ee xasuuqa nala beegsaday”

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda Somaliland kula taliyey “Haddii halkaasi ay ka soo baxdo dawlad shirkado leeyihiin oo shisheeye ku shaqeysto, waxaan dawlada (Somaliland) kula talinaynaa inaanu wada hadalada ka baxno, inta noo hadhayna dhaqaalahayagana aanu xooga galino si aanu dadkayaga u difaacno oo aan mar kale lana xasuuqin”ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A strong Somali state is not something we fear its for the better imagine Somalia rebuild and a regional power house again why would any one be against that. As for Edna she is just very passionate about her cause and as the older generation she feels guilty because it was her generation that pushed the union which she regrets now. But Faisal believes in the return of the Somali state read what he had to say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;866205 wrote:
A strong Somali state is not something we fearwas her generation that pushed the union which she regrets now. But Faisal believes in the return of the Somali state read what he had to say.

You reside in an alternative universe..:D The reason why you support Sharif Sakiin and Miskiin is the same reason why you are posting this nonsense..

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Feisal (and Somaliland ) should just shut-up as he have no ground-up conception of whats going on in Mogadishu.There can be little doubt that whats happening in Somalia today has little effect on SL, but Looking at the pattern whats been happening in Somalia today its safe to say whats good for Somalia is also good for Somaliland.It shouldn't keep Somaliland on the edge of its seat.Somalia's political maturity is at its embryonic stage, contrary to what others will post here about the second or the third new nation born. The road is long, and the condition for a stronger nation is not even half as ready as some will like us to believe, but when the time is ripe both Somalia and Somaliland will seat down (hopefully of course)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this