Xaaji Xunjuf Posted September 9, 2012 Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Oo Ka Xumaaday Dhaawac Nairobi Lagu Gaadhsiiyay Fanaanada Nimco Dareen, Maanso Koobana Ka Curiyey Hargeysa (Ramaas) Sept 9,2012 – Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah sugaanyahanada dhulka Somalida ugu caansan ayaa ka dhiidhiyey dhaawacyo Magaaladda Nairobi lagu gaadhsiiyay Fanaanada da’da yar ee Nimco Dareen. Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu tix suugaaneed kooban ka soo saaray falka lagu dhaawacay Nimco dareen oo laba todobaad ka hor dhaawac lagu gaadhsiiyay goob ka mid ah Nairobi oo ay bandhig faneed ku qabatay. Abwaanka oo Hargeysa ku sugan ayaa Wariyayaal Ramaas ka mid ah oo la kulmay u sheegay in falkaasi ahaa mid gef ah oo fool xumo iyo waxyeelo ku ah fanaaniinta Somaliyeed guud ahaantood, isaga oo sheegay inuu aad uga xumaaday falka lagula kacay Nimco dareen markii uu maqlay isla-markaana uu ka sameeyay tix suugaaneed uu ku canaanayo dadka cadowga ku ah fanka iyo fanaaniinta, fariina ah u bahda fanka Somaliyeed. Maansada Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ka tiriyey falkaasi ayaa u dhignaa sidan: Ninka nagu gafayoow horta soo gadaal baro Gabayada iyo geeraar iyo heesihii gumeysiga U cadeyay guunee Gilgilee wadnah jaray godmadow biyo u dhigay Gaadhsiiyay quustii iyo galab carawgii calankan galacliyo Garansiiyay soomaalida Gobanimo waxay tahay garan waaga nacaska ah Gonda cunaha cadawga ah Taariikh gunteed iyo baarkeedna garaneyn. Gad qabiil xinkeediyo Gal siyaasad aan lahayn ku gaafaya fanaanin ifka wuu ku googi’i Aakhirana god naareed hebel laawe wuu gali gafka iyo qaloociyo gardarduu u galay kibir dadka intii garaadlihi iyo malaa’igta aan gadmin guule waa ogsoonyahay Waxay tahay gadeyduna Maansadan gar-sheegta ah saxar inaan la gaadhsiin guud ahaan fanaaniinta Gala soomaali dhalladkeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites