Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Poet Axmed Selebaan bide defends Nimco Dareen

Recommended Posts

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Oo Ka Xumaaday Dhaawac Nairobi Lagu Gaadhsiiyay Fanaanada Nimco Dareen, Maanso Koobana Ka Curiyey

c44b3abd57ccfbc620ba9eaafbc28bd6_M.jpg

Hargeysa (Ramaas) Sept 9,2012 – Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah sugaanyahanada dhulka Somalida ugu caansan ayaa ka dhiidhiyey dhaawacyo Magaaladda Nairobi lagu gaadhsiiyay Fanaanada da’da yar ee Nimco Dareen.

 

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu tix suugaaneed kooban ka soo saaray falka lagu dhaawacay Nimco dareen oo laba todobaad ka hor dhaawac lagu gaadhsiiyay goob ka mid ah Nairobi oo ay bandhig faneed ku qabatay.

 

Abwaanka oo Hargeysa ku sugan ayaa Wariyayaal Ramaas ka mid ah oo la kulmay u sheegay in falkaasi ahaa mid gef ah oo fool xumo iyo waxyeelo ku ah fanaaniinta Somaliyeed guud ahaantood, isaga oo sheegay inuu aad uga xumaaday falka lagula kacay Nimco dareen markii uu maqlay isla-markaana uu ka sameeyay tix suugaaneed uu ku canaanayo dadka cadowga ku ah fanka iyo fanaaniinta, fariina ah u bahda fanka Somaliyeed.

 

Maansada Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ka tiriyey falkaasi ayaa u dhignaa sidan:

 

Ninka nagu gafayoow horta soo gadaal baro

 

Gabayada iyo geeraar iyo heesihii gumeysiga

 

U cadeyay guunee

 

Gilgilee wadnah jaray

 

godmadow biyo u dhigay

 

Gaadhsiiyay quustii iyo galab carawgii

 

calankan galacliyo

 

Garansiiyay soomaalida

 

Gobanimo waxay tahay

 

garan waaga nacaska ah

 

Gonda cunaha cadawga ah

 

Taariikh gunteed iyo baarkeedna garaneyn.

 

Gad qabiil xinkeediyo

 

Gal siyaasad aan lahayn

 

ku gaafaya fanaanin ifka wuu ku googi’i

 

Aakhirana god naareed hebel laawe wuu gali

 

gafka iyo qaloociyo gardarduu u galay kibir

 

dadka intii garaadlihi iyo malaa’igta aan gadmin

 

guule waa ogsoonyahay

 

Waxay tahay gadeyduna

 

Maansadan gar-sheegta ah

 

saxar inaan la gaadhsiin

 

guud ahaan fanaaniinta

 

Gala soomaali dhalladkeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this