oba hiloowlow Posted September 8, 2012 Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay degmada Warshiikh ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo Ciidamada saaka ay si nabdoon ku galeen degmada iyo deegaanada ku dhow dhow. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaan wax iska caabin la kulmin, inkastoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in Al-Shabaab ay isaga carareen degmada. Taliyaha Guutada 1aad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sheegay in Ciidamada ay haatan ku sugan yihiin duleedka degmada Warshiikh, isla markaana ay ka go'an tahay inay gaaraan deegaanada kale ee Gobolka. "Saaka ayaa Ciidamada xooga dalka iyo Ciidamada AMISOM waxay la wareegeen degmada Warshiikhe kooxihii nabad diidka waa isaga carareen"ayuu yiri Jen. Saneey. Xaalada degmada Warshiikh ayaa haatan degan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamada ay isku hareereeyeen degmada iyo nawaaxigeeda oo ay Howl galo ka wadaan. Degmada Warshiikh ayaa ah degmo xeeb ku taal, waxaana ay noqoneysaa deegaankii 3aad oo xeeb leh ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kaasoo ay ka qabsadaan Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted September 8, 2012 guul uu so hooyatay shacabka, next step Cadale, Ceeldheer, Xarardheere Quote Share this post Link to post Share on other sites