Sign in to follow this  
Saalax

Shariif Axmed Iyo Shariif Xasan oo Heshiis Ajaaniib Dhexdhexaadisay Ku Saxiixday Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Saalax   

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiis hore Shariif Xasan Sheekh Aadan oo waayadan dambe si kala fogaanayey ayaa markii ugu horeysay habeen hore heshiis la yaab leh ku saxioxday madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa uu salka ku hayaa ololaha doorashada madaxtinimada iyo sida labada nin ay wax u qeybsanayaan iyadoo Shariif Xasana uu ogolaaday inuu ololaha Shariif Axmed taageero.

Sida ilo wareedyo maanta u waramay Raxanreeb ay sheegeen waxaa heshiiskan la saxiixay habeenimadii Jimcaha abaare 4:00 saqda dhexe, waxaana heshiiska dhexdhexaadiyey saraakiil ka tirsan shirkadda Saracen International oo haatanba ku sugan Muqdisho.

Wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa la sheekeystay sarkaal ka tirsan Saracen International oo hadda ku sugan Muqdisho oo ka waramay nuxurka heshiiska iyo qodobada uu ka kooban yahay. Sarkaalkan wuxuu Raxanreeb faahfaahin dheeraad ka siiyey sida heshiiska u dhacay iyo halka uu a soo bilawday iyo waxyaabaha labada nin ku dhaqaaqi doonaan.

Goordhow Raxanreeb.com kala soco faahfaahin buuxda oo ku saabsan heshiiska labada Shariif ku gaareen Villa Soomaaliya.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labada dhinac waxay isku raaceen qodobadan hoos ku qoran oo kala ah:

 

1- In shariif Xasan Sh. Aadan taageradiisa uu ku biiriyo ololaha Shariif Sh.Axmed , xooggana laysugu geeyo sidii uu madaxweynihii hore jagada mar kale ugu soo laaban lahaa.

 

2- In Madaxweynaha xiligiisu dhamaadey Shariif Sh. Axmed uu uu siiyo Sh. Xasan 3 milyan oo doolar, lacagahaas oo isugu jira Xaalmarin iyo ka iibsi xildhibaanada asaga taageersan.

 

3- In Shariif xasan abaal marin loo siiyo awood uu kusoo xulo shaqsiga ra'salwasaraha noqonaya,kaasoo noqon doona shaqsi uu isagu saamayn badan ku leeyahay xiliyada soo socda ee uu hogaaminayo golaha wasiirada iyo howlaha xukuumadda. Waxaa kale oo Shariif Xasan uu soo xuli doonaa koox ka mid ah wasiirada soo socda sidii horey u dhacdey xiligii shirkii jibouti.

 

4- Shariif Xasan Sh. Aadan wuxuu noqon doonaa mar kale wasiirka Maaliyadda iyo Ra'isulwasaare ku xigeen.

 

5- Si looga hortago in baarlamaanku luu a yimaado la xisaabtan iyo daba gal liddi ah Shariif Xasan Sh. Aadan waa in lagu dadaalo in gudiga hantidhowrka baarlamaanku noqoda inta badan xubno u dhaw labada shariif, oo ayna iska kaashadaan in anay gudoonka gudigaas qaban shaqsiyaad ka hor imaan karta mustaqablka qorshayaasha ay maaganyihiin.

 

6- In ay Baarlamaanka ay ku dhex yeeshaan kutlad adag oo lagacago badan la galiyo, taas oo mar kasta difaacda, kana hor tagta hadii mooshinna ka dhan ha xukumadda iyo wasiirka maaliyadda la soo jeediyo.

 

7- Labada dhinac waxay isku afgarteen in lasii wado heshiisyadii dhinaca badda ee ay horey isula bilaabeen Soomaaliya iyo Kenya, arimahaasna lagu socodsiiyo, laguna bisleeyo hab ka fog saamaynta iyo ka warqabka Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif has no chance if he decided to make deals with Sakiin . They are the most corrupted politician Somalia has ever seen? Where did he get the 3m ?

 

I hope the new MP are wise and not vote for this guy as he planning to loot more money from the system.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this