Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 7, 2012 Newsflash four days ago: Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta ayaa ah sidan: Inuu Soomaali yahay. Inuu caafimaad qabo. Inuu afartan sano ka weyn yahay. In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn. In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo. Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah. Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed. Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah. In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya . In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya. Newsflash today: Waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah u soo buuxiyeen shuruudihii madaxtinimada Soomaaliya 25 xubnood, kuwaasi oo u tartami doona doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 10-ka bisha Sebtember. Magacyada xubnaha waxa ay kala yihiin: Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex Cadbullaahi Axmed Caddoow Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Axmed Ismaaciil Samatar Xasan Shiikh Maxamuud Shariif Shiikh Axmed Yuusuf Garaad Cumar Cumar Salaad Cilmi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Bashiir Nuur Xasan Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin Cabdulqaadir Cosoble Cali Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame Xuseen Khaliif Jaamac Maxamed Axmed Saalax Salaad Cali Jeelle Ibraahim Cali Xuseen Saciid Ciise Maxamuud Cismaan Maxamed Gacal Maxamed Cabdullaahi Oomaar Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf Maslax Maxamed Siyaad Bare Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 7, 2012 Marka xisaabta maa naga qaldan mise wax ayaa la isdabamarsiiye? See wax u jiraana. Mise xildhibaan walba sadex mushaarax u saxiixay miyaana sida meesha ku qoran? I think shuruudii ahayd in musharax walba la yimaado labaatan xildhibaan magacyadooda la iska indhatiray. If so, sheekadan qalad ku bilaabatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted September 7, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;865297 wrote: Marka xisaabta maa naga qaldan mise wax ayaa la isdabamarsiiye? See wax u jiraana. Mise xildhibaan walba sadex mushaarax u saxiixay miyaana sida meesha ku qoran? I think shuruudii ahayd in musharax walba la yimaado labaatan xildhibaan magacyadooda la iska indhatiray. If so, sheekadan qalad ku bilaabatay. MMA, I think websiteyada qaarkood dadka ayay jahawareer ku rideen qaabka ay wax u soo qoreen. Xildhibaanno 20 ah ayaa laga doonayey inuu musharrax kasta uu saxiix ka soo qaato. Marka xildhibaannada iyaga waxaa lagu xiray in halkii Xildhibaan uu kaliya u saxiixi karo ugu badnaan 3 musharrax. Marka 25*20 = 500, then 500/3 = 166.7 Remember xildhibaan kasta 3 qof ayuu u saxiixi karaa, which means 3 musharrax ayaa wadaagi kara 20 xildhibaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shinbir Majabe Posted September 7, 2012 MMA, Qodobka 89 ee Dastuurka ayaa wax laga badalay, marka meeshii aheyd in 20 Xildhibaan ay soo gudbiyaan 1 Musharax waxaa laga dhigay in Xildhibaan walba uu soo jeedin karo illaa 3 Musharax.. Qodobka 89aad. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (Faqradan waa la tuuray) (2) Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka. (Faqradan waa la tuuray) (3) Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed. (Waxaa lagu bedelay in halkii xildhibaan uu musharaxnimadiisa soo jeedin karo (taageeri karo) illa saddex musharax) (4) Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod. (Faqradan waa la tuuray) (5) Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan: Quote Share this post Link to post Share on other sites