Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ilaa 5-musharax oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaarayaashii hore oo buuxiyay shuruudaha doorashada

Recommended Posts

Gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ilaa shan musharax ay buuxiyeen shuruudaha Tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

 

Afhayeenka Gudigan Xildhibaan Cismaan Libaax ayaa sheegay in warqadaha foomamka ay qaateen ilaa iyo 33 musharax balse shan kaliya ay ka soo gudbeen kuwaasi oo bixiyey lacagihi dibaajiga ahaa iyo helitaanka soo jeedinta 20-xildhibaan.

 

Shanta ruux ee buuxisay shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarayaashii hore Dr. C/wali Gaas iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, Dr, C/raxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow), C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Siyaasiga C/llaahi Axmed Cadoow.

 

Musharaxiinta tagay xarunta Gudiga doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. C/wali Gaas oo sheegay inuu isaga buuxiyay shuruudaha laga rabay Musharaxiinta, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay doortaan qof dalkan wax u qabtay, waxna ka tari kara mustaqbalka soo socda.

 

Maalinta berri ayay ku egtahay qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo wali ay dhiman yihiin musharaxiin aan gudbin codsigooda, waxaa ka mid ah Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

 

10-ka bisha ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn cida noqon doonta Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ If every one of these guys has secured the support of 20 mps (each) already, isn't Sharif worried that by delaying things he might not be left with any MPs to rely on? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalinta berri ayay ku egtahay qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo
wali ay dhiman yihiin musharaxiin aan gudbin codsigooda
,
waxaa ka mid ah Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed
oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

what? only five candidates! So what happened the 30 plus candidates that were ready to become the president (including Maslax Maxamed Siyaad)?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this