Dr_Osman Posted September 4, 2012 Xog rasmi ah: Reer Somaliland oo noqdey dadka ugu badan ee Puntland u yimaada qaadashada Baasaboorka Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya (Warbixin) Posted by Pi on September 4th, 2012 Garowe (Puntlandi) Laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha dowladda Federaalka ah Soomaaliya ee Garowe ayaa dadka ugu badan ee Baasaboorada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya ka qaata waxay yihiin dadka reer Somaliland, xiligan oo la isku diyaarinayo soo gudashada waajibaadkaka xajka xafiiska Garowe ee baasaboorada baxsha waxa uu ku jiraa xiligiisii ugu shaqada badnaa. Xarumaha laga bixiyo Baasaboorada ee Puntland waa Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo dadka ugu badan ee Baasaboorada Federaalka ka qaata waa dadka Somaliland sida ay ogaatey Shabakada Puntlandi oo baaris ku samaysay, Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa baasaboorada ka qaata dadka masuuliyiinta ah iyo ganacsatada kuwaas oo diyaarad uga daga Boosaaso iyo Gaalkacyo halka kuwa Garowe ka qaatana ay yihiin dhalinyarada, waayeelka iyo haweenka aysan u suurta galin inay diyaar raacaan waxayna ku yimaadaan baabuur ay kasoo raacaan Boorama, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale. Masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland qaar kood sida agaasime waaxeedyada, madaxda mashaariicda ee Wasaaraddaha, Madaxda hay’adaha dowliga ah ee madaxa banaan ee Somaliland iyo Ganacsatada Somaliland waxay u yimaadaan Puntland qaadashada Baasaboorka cusub ee Soomaaliya si ay ugu safraan masuuliyiintu shirarka iyo tabobarada ay caalamka iyo wadamada dariska uga qaybgalayaan halka ganacsataduna ay ku aado Baasaboorka cusub wadamada Africa iyo carabaha ilaa Bariga fog si ay ugu suurta gasho inay ganacsigooda si xor ah ugu dhoofaan meeshii ay badeeco kasoo iibsanayaan. Mid ka mid ah masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland oo wariyaha Puntlandi kula kulmey Garowe isagoo baasaboor soodoontey kana gaabsaday magiciisa waxa uu sheegay in baasaboorka cusub uu qaadanayo danta uu ka leeyahayna ay tahay inuu wadamada dariska u aado tabobar sida Kenya iyo Kampala oo labaduba aan ogolayn in baasaboorkii hore ee Soomaaliya lagu tago. masuulkan oo ah agaasime waaxeed waxa uu Puntlandi u sheegay in masuuliyiin badan ay Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso u yimaadaan qaadashada baasaboorka cusub oo aysan ahayn wax isaga uu bilaabayo balse uu hadda u joogo Garowe inuu baasaboorka qaato maadaama aan xafiis baasaboorada ah laga helayn Hargaysa iyo magaalooyinka Somaliland. Maamulka Somaliland waxa uu iskiis u samaystey Baasaboor kaas oo ah mid fadhiid ah oo aan meelna lagu aadi karin oo ay xukuumadu ku beerlaxawsato shacabkeeda in baasaboorka la aqoonsan yahay balse waxay runtu tahay in masuuliyiinta Somaliland ay intooda badani wataan baasaboorka cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hargaysa waxaa looga yaqaan Baasaboorka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya “Baasaboorka Cabdillaahi Yuusuf” oo ay ula jeedaan waxaa samaysatey dowladdii AUN C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Somaliland waxay kaga dhoofaan Hargaysa iyo Barbara oo aykaga soo dagaan baasaboorkooda fadhiidka ah iyadoo marka ay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamka ah ka dagayaana ay soo dhawaystaan Baasaboorka Federaalka Soomaaliya uuna yahay Baasaboorkan midka ay Fiisaha dal ku galka ku dalbadaan waxayna marka ay garoomada ka dagaan lasoo baxaan baasaboorka Federaalka Soomaaliya iyagoo kan Somaliland ay leedahayna ay galiyaan meesha ugu danbaysa shandadaha ay masuuliyiintu wataan. Cabdi Yusuf Geeljir Puntlandi Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted September 4, 2012 No no they will insist they have their own passports they can use to traverse the world such as ethiopia and djibouti... Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted September 4, 2012 JB could be in Garowe right now in a long queue to get his. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted September 4, 2012 Oh the usual articles. And the author forgot to mention that the government of Somaliland uses your blue flag when travelling abroad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 5, 2012 Xarumaha laga bixiyo Baasaboorada ee Puntland waa Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo dadka ugu badan ee Baasaboorada Federaalka ka qaata waa dadka Somaliland Kaasi xataa beenta ma sheegi yaqaan ,,,, Intay Garowe dhaafaan bay Galkacyo u doontaan ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted September 5, 2012 Nonsense, why would they get their passports in Garowe. There is an office in down town Hargeysa where they can get it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted September 5, 2012 ^ Do you mean the one that sells all sorts of fake documents? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted September 5, 2012 No, the real new ones. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted September 5, 2012 loool seriously? Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted September 5, 2012 with all these new threads from puntlanders shows they lost the presidency & primiership in Mogadishu. Sharif and Farmajo....it's official. they no longer argue with Oba & turn their attention else where:D Quote Share this post Link to post Share on other sites