Sign in to follow this  
Saalax

Gaadhi Tikniko Ah Iyo Tiro Maleeshiyaadka Khaatumo Ah Oo Isku Dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Sool: Gaadhi Tikniko Ah Iyo Tiro Maleeshiyaadka Khaatumo Ah Oo Isku Dhiibay Ciidamada Qaranka Ee Jiida Laascaanood

 

Laascaanood (Ramaas)Sept 2,2012 – Tiro ka mid ah Maleeshiyaadkii taabacsanaa Kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxay iyo hal gaadhi oo wateen ayaa u soo goostay dhinaca ciidamada qaranka ee ku sugan duleedka Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo ee u soo goostay dhanka ciidamada Qaranka ayaa wata hal gaadhi oo tikniko ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano B 10, kaasi oo wateen Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay ilaa 8 nin iyo hubkoodii.

 

Maleeshiyaadkan iyo gaadhiga Tiknikada ah ee ay wataan ayaa u galay ciidamada Qaranka ee fadhiisimada ku leh koonfurta Magaaladda Laascaanood, iyagga oo isku dhiibay ciidamada Qaranka, ka dib markii ay ka il-waayeen Nabad-diidka Khaatumo ee dhibaatada ka wada aagaga Buuhoodle Iyo Sool.

 

Gaadhigan ayaa ka mid ah afar gaadhi oo la sheegay in qurba-joogta nabad-diidka Khaatumo iibiyeen sanadkii hore, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Boocame, kuwaasi oo laftooda la filayo inay dhawaan u soo goostaan dhanka ciidamada Qaranka Somaliand ee jiidaha hore ku sugan.

 

Maaha markii ugu horeysay ee Maleeshiyaadka Khaatumo u soo goostaan dhanka Somaliland, balse waxa hore u jiray Maleeshiyaad iyo gaadiid badan oo u soo goostay dhanka ciidamada Qaranka.

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this