MoonLight1 Posted September 1, 2012 Sabti 01/09/2012 Xilli 10-ka bishaan ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxay maanta soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharaxa looga baahan yahay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Shuruudaha oo ka kooban ilaa 8-shuruudood ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Afhayeenka guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Ibraahim Libaax. 1.Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya muwaadin kasta oo muslin ah 2.Waa in da’diisu aysan ka yareyn 40 sano. 3.Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaasi. 4.In dhimirkiisu dhanyahay. 5.Inuusan jirin Dambi Culus ay Maxkamadi ku xukuntay. 6.Waa inuu bixiyaa lacag dhan 10,000$ oo diiwaan gelin ah. 7.Waa inuu soo gudbiyaa Taariikh nololeedkiisa. 8.Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted September 1, 2012 These requirements are nonsense. They should have included something about morals and values one expects to have in such a position. Or atleast that one should serve the Somali people rather then 'the clan' or foreign actors. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted September 1, 2012 Afhayeenka guddiga oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay arrintan ku saabsan in laga doonayo murashax walba inuu 20 xildhibaan ka hayso taageero ayaa wuxuu sheegay in arrintaas ay uga fursan waayeen baarlamaanka ayna berri horgelin doonaan baarlamaanka, go'aankii la gaarana la shaacin doono. good one Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted September 2, 2012 Waa inuu bixiyaa 10'000 dollar afhayeenku wuxuu sii raaciyay waa inay la socotaa 200 dollar oo arjiga lagu qoro Waa iska dhaqan soomaali adaa oroosee shaaha shub. Quote Share this post Link to post Share on other sites