Sign in to follow this  
MoonLight1

Shuruudaha laga rabo musharixiinta xilka madaxweynaha.

Recommended Posts

Sabti

01/09/2012

 

Xilli 10-ka bishaan ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxay maanta soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharaxa looga baahan yahay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Shuruudaha oo ka kooban ilaa 8-shuruudood ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Afhayeenka guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Ibraahim Libaax.

 

1.Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya muwaadin kasta oo muslin ah

 

2.Waa in da’diisu aysan ka yareyn 40 sano.

 

3.Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaasi.

 

4.In dhimirkiisu dhanyahay.

 

5.Inuusan jirin Dambi Culus ay Maxkamadi ku xukuntay.

 

6.Waa inuu bixiyaa lacag dhan 10,000$ oo diiwaan gelin ah.

 

7.Waa inuu soo gudbiyaa Taariikh nololeedkiisa.

 

8.Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

These requirements are nonsense. They should have included something about morals and values one expects to have in such a position. Or atleast that one should serve the Somali people rather then 'the clan' or foreign actors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka guddiga oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay arrintan ku saabsan in laga doonayo murashax walba inuu 20 xildhibaan ka hayso taageero ayaa wuxuu sheegay in arrintaas ay uga fursan waayeen baarlamaanka ayna berri horgelin doonaan baarlamaanka, go'aankii la gaarana la shaacin doono.;) good one

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa inuu bixiyaa 10'000 dollar afhayeenku wuxuu sii raaciyay waa inay la socotaa 200 dollar oo arjiga lagu qoro

Waa iska dhaqan soomaali adaa oroosee shaaha shub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this