Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Oo Ku Geftay Heshiiskii TFG-da Ee Isku Socodka Labada Shacab ee Somaliland iyo Somalia

Recommended Posts

Saalax   

Xukuumadda Oo Ku Geftay Heshiiskii TFG-da Ee Isku Socodka Labada Shacab, Xabsigana Dhigtay Shan Qof Oo Xirfadooda Xamar Looga Baahday

 

Hargeysa (Ramaas) Sep 1,2012 - Xarunta CID-da Magaaladda Hargeysa ayaa waxa maalintii afraad ku xidhan shan muwaadin oo doonayey inay tagaan Magaaladda Muqdisho oo ay shaqooyin ka heleen, balse laga soo qabtay garoonka diyaaradaha Berbera.

 

Shanta qof ee ciidamada amaanku ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Berbera oo dhammaantood rag ah ayaa la sheegay inay yihiin Waytaro, kuwaasi oo doonayey inay ka shaqo bilaabaan huteelo ku yaala Magaaladda Muqdisho oo ay shaqooyin ka heleen, balse markii ay isku dayeen inay Madaarka diyaaradaha Berbera ka dhoofaan ay ciidamadu qabteen.

 

Ilaa hadda si rasmi ah ujeedada ciidamadu u soo qabteen raggan u shaqo tagayey Magaaladda Muqdisho, balse wararka aanu helay ayaa sheegaya in xukuumadda oo sas ka qaaday siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedkii reer Somaliland ee hore u tagay halkaasi, aanay ogolayn in muwaadiniinta reer Somaliland Magaaladda Muqdisho ama Somaliya taggi karin, xitaa ay shaqo ka helaan.

 

Talaabada xukuumaddu ku xidhay shantan qof ee xirfad-layaasha ah ayaa khalad ku ah heshiiskii ay la gashay dawlada Sheekh Shariif ee hadda wakhtigeedu dhammaaday, heshiiskaasi oo qodobadiisa uu ka mid ahaa in la isku furo xuduudaha isla-markaana ganacsiga iyo socodka la dhiiri-galiyo.

 

Xukuumadda Somaliland oo wada hadaladii ay la gashay dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya, kula qaadatay in laga wada shaqeeyo arimaha amaanka, sida la dagaalanka budhcad-badeeda iyo in isku socodka dadku caadi ahaado, ayaa talaabadani muujinaysaa in xukuumaddu ku gefayso heshiiskaasi, iyadda oo qodobka isku socodka ka eegaysa dhanka siyaasada.

 

Heshiiskii koowaad ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Magaaladda London kula saxeexday TFG-da Somaliya oo ay ka soo baxeen siddeed qodob, ayaa waxa ka mid ahaa qodob u khaas ahaa isku socodka kaasi oo u dhignaa sidan “In la isku furo isku socod dhinaca xuduudaha Mustaqbalka dhow”, kaasi oo ah ka ay hadda iska indho tirayso ee ay muwaadiniinta xirfadooda Xamar looga baahday ku cabudhinayso.

 

Ka sakow qodobkaasi, xukuumadda Sheekh Shariif oo markii heshiiskaasi la kala saxeexday ka hadashay ayaa iftiimisay nuxurka qodobka isku socodka, waxayna wakhtigaasi sheegtay in qodobkaasi yahay in la isku furo ganacsiga, lana xoojiyo isku socodka labada shacab “Madaxweynayaashu waxa ay isla garteen in la isku furo ganacsiga lana xoojiyo iyo in la dadku ay si nabadgalyo ah isugu gudbi karaan”sidaa waxa yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Xuseen Carab Ciise oo wakhtigaasi la hadlay Radio Muqdisho.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this