Xaaji Xunjuf Posted August 29, 2012 Badhasaabka Somaliland ee Buuhoodle oo markii u horeysay gaadhay Buuhoodle August 29th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)-Badhasaabkii Somaliland ee Gobolka Buuhoodle Xariir Maxamuud Axmed, ayaa maanta markii u horeysay muddo sanado ah gaadhay magaalada Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Badhasaabka Buuhoodle waxa dadweyne ka mid ah bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo watay kollanyo baabuur ahi ay Badhasaabka kaga hortageen meel 40km u jirta magaalada Buuhoodle. Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle Xariir Maxamuud Axmed, oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay siday u soo dhaweeyeen, waxaanu ugu baaqay inay nabad-gelyadii ay dhawaan qaateen waxgaradka Buuhoodle la ilaaliyo. Badhasaabku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay dhawrto nabad-gelyada Buuhoodle isla markaana deegaamada kala duwan ee gobolka ay ka fulin doonaan mashaariic horumarineed oo wax lagu xoojinayo adeegyada daruuriga ah ee dadweynaha gobolkaasi. Xariir Maxamuud waxa uu sheegay inuu soo maray Jiida Maygaale, waxaanu xusay inay dadweynihii reer guuraaga ahaa ee ka guuray deegaamadii ciidanka qaranku ka guuray. Badhasaabku wuxuu sheegay inay gobolkaasi ka bilaabi doonaan Ha’yadaha dawliga ahi shaqadoodii, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha inay nabad-gelyada ka shaqeeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 29, 2012 xaaji xunjuf waa xaaji xunjuf he now reports that Somaliland appointed a mayor for Buuhoodle of all places. What is next Kismayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 29, 2012 The mayor is in Buhoodle as we speak:D Read here http://www.lasanod.com/details.php?num=7985 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 29, 2012 Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Buuhoodle +Sawiro Buuhoodle (Waaheen) Waxa maanta galinkii danbe lagu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle wafti ka socota xukuumada Somaliland oo ka soo kicitimay caasimada dalka ee hargeisa , Iyadoo waftigani loo soo gelbiyey dhinaca magaalada buuhoodle Waftigan ayaa wax kala yihiin Badhasaabka gobolka Buhoodle Maxamed Maxamuud”Xariir Gadhweyne” Iyo Cisman Yuusuf Maxamed”Galinwadaad” oo isna ah Maayirka degmada Buuhoodle waxaana maanta gelinkii danbe lagaga hortagey weftigan deegaanada Meygaagle Iyo Sooljoogto, iyadoo ay weftigan si heer sare ah u soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan deegaanadaas Si kastaba ha ahaatee weftigana ayaa ahaa kuwo mudo ka maqnaa deegaanada gobolka Buhoodle intii colaadu ka socotey deegaanadaasi iyadoo ay wafigani sheegeen inay ku maqnaayeen nabadeyn ka dhalata deegaanada gobolka Cayn. Isku soo wada duuboo shacabka ku dhaqan gobolka buhoodle ayaa si diiran u soo dhoweeyey badhsaabka iyo maayirka loo soo magcaabay gobolka buhoodle. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 30, 2012 Great ! ! ! ....... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted August 30, 2012 xiinfaniin;862454 wrote: xaaji xunjuf waa xaaji xunjuf he now reports that Somaliland appointed a mayor for Buuhoodle of all places. What is next Kismayo xiin waamaxay qosol gariir ayaa kugu dhacaye, horaan kuugu sheegay sl waa laga badiyaa when it comes to faanka iyo cabaadka for sheer result in the long term ciyaartaa waa xagayaga.... buhoodle was the bastion of land standing in the wilderness lakiin waa welcome back to the reall family not the blood suckers who claim to be family only to stab them in the back. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Sage Posted August 30, 2012 If things continue as they are and the new mayor plays his cards right Buhoodle might be giving Burco some serious competition for the top city in Togdheer region. Nice to see it welcomed back into the fold of Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted August 31, 2012 Xaajiyow maxaa xayihii ku dhacay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted August 31, 2012 The Sage;862789 wrote: If things continue as they are and the new mayor plays his cards right Buhoodle might be giving Burco some serious competition for the top city in Togdheer region. Nice to see it welcomed back into the fold of Somaliland Burco dwarfs Buhoodle in size and population, so I dont know how that's possible. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted September 1, 2012 the sage buhoodle is not in togdheer no more, its a region in its own right Quote Share this post Link to post Share on other sites