Sign in to follow this  
Somalia

Dr. Abdiweli Mohamed Ali: We Are Enjoying The Fruits of Badbaado Qaran

Recommended Posts

Somalia   

ot5lc.jpg

 

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goordhawayd Warbaahinta hadal siiyey ayaa muujiyey dareen farxadeed islamarkaasna sheegey in uu ku faraxsanyahay xaalka uu dalku ku jiro iyo xaalada dimuquraadiyada ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay maanta ugu fadhiyaan Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya codayntiisa taasuu uu ku tilmaamay mid guul ah.

 

Prof. Gaas oo dhoola cadaynaya islamarkaasna ay Saaxiibadiisii Wasiirada u ahaa dhinacyada ka joogaan Amaankooda siweyn loo sugay ayaa Warbaahinta soomaalida oo qaarkood ay si toos ah usii daynayeen doorashada Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya u sheegey in tani ay tahay mirihii iyo dadaalkii ay soo samaysay xukuumada Badbaado qaran isagoona sheegey inay halkaas kasii wadi doonaan.

 

Ra’iisul wasaare Gaas oo imika u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya welibana rajo wayn ka qaba inuu ku guulaysto booskaas ayaa sheegey in Doorashadan ay qayb ka ahayd guulihii waawaynaa ee ay gaartay xukuumada badbaado qaran isagoona sheegey in dawladiisu ay muujisay hormar baaxadleh oo kudayasho mudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this