Saalax Posted August 25, 2012 Madaxda Soomaaliya Waxaan Uga Digayaa Sheegashada Somaaliland....Arrintaasi Waxay Gobolka Ka Abuuri Kartaa Xasilooni Daro.Wasiirka Arrimaha Dibada (Hadhwanaagnews) Saturday, August 25, 2012 Wada-hadallada dhex maraya Soomaaliya iyo Somaliland ujeedadoodu waxa weeye in Madax-banaani ay beesha caalamka ka hesho Somaliland Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa Madaxda dawladda ku meel-gaadhka Soomaaliya uga digay inay sheegtaan Somaliland,isla markaana ay Distoorkooda ku qortaan dhulka somaaliland, taasoo uu sheegay inay gobolka ka abuuri karto Xasilooni daro dhinaca Amniga. Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad Xisbiga talada haya ee KULMIYE ku soo bandhigaayey Murashax golaha deegaanka uga qayb-geli doona doorashooyinka soo socda, waxaanu Haweenka reer Somaliland ugu baaqay inay is taageeraan si ay Dumar badani ugu soo baxaan Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee soo socda, hase yeeshee Wasiirku marka hore isagoo la hadlaayey Madaxda dawlada ku meel-gaadhka ah, ayaa waxa uu yidhi Wada-hadallada dhex maraya Soomaaliya iyo Somaliland ujeedadoodu waxa weeye in Madax-banaani ay beesha caalamka ka hesho Somaliland, balse waxaan aad uga xumahay Distoorka cusub ee Soomaaliya loo samaynayo oo Somaliland sheeganaya, taasoo aan uga digayo oo xasilooni daro badan ku abuuri karta gobolka. Waxaanan leeyahay Madaxda soomaaliya haka waantoobaan sheegashada ay waraaqaha ku qoranayaan Somaliland. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland. Waxa kale uu ka hadlay Wasiir Maxamed Cabdullaahi Cumar Hodan Axmed Cabdullaahi oo maanta Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE uu shaaciyey inay u tartamayso Doorashada deegaanka ee soo socota, taasoo uu sheegay kaalin weyn ka Ciyaartay guushii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay Doorashooyinkii dalka, waxaanu yidhi Hodan waxay ka mid ahayd Hablihii firfircoonnaa ee Xisbiga KULMIYE la shaqyan jirey. Dumarka Somaliland kaalin wayn ayey kaga jiraan Siyaasadda, waxaanay kaalin muhiima ka soo qaateen Guushii Xisbiga KULMIYE ka soo hooyey doorashooyinkii Madaxtinnimada ee dalka ka dhacay, waana siyaasada KULMIYE ku cad oo aad aragteen in Haweenka kaalin buuxda oo muuqata laga siiyo Siyaasadda dalka. Waxaan jecelahay in Dumarku is taageeraan oo Dumar badani ku soo baxaan Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhawaan qabsoomi doona. A.A.Asporo Hadhwanaagnews/Office Somaliland/Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 25, 2012 http://www.hadhwanaagnews.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites