Siyaasi Posted August 23, 2012 Sh.Aways oo wacad ku maray inay Dawlada Cusub ladagaalamayaan Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay inaysan iyaga waxba ka gelin cidda loo dooranayo madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, balse ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan dowladda cusub ee lasoo dhisayo. “Qofkii lagu arko wax yar oo wadaadnimo ah meesha waa laga saarayaa, waxayna keensanayaan qofkii dantooda ka shaqeynaya,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaas ku daray: “Annagu saf ayaan ka nahay mana ogolaanayno inay dalkan iyo dadkan hoggaamiyaan.” Sheekh Xasan Daahir wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dagaalladaas ka qaygalaan, isagoo sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dowladda cusub kaga guuleysan doonaan dagaallada ay la galayaan. “Mujaahidiinta waxaan leeyahay cidda aan la dagaalamaysaa waa cadowga Alle iyo cadowgiinna, waa inaadan dagaalka joojin oo aadan ka caajisina, waayo waa mid waajib idinku ah sida culummada Islaamka oo dhan ay qabto,” ayuu hadlkiisa kusoo gabgabeeyay. Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa waxay dagaallo adag kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya. Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore ayay Al-shabaab isaga baxeen deegaanno ay horay uga talin jireen, kuwaasoo ay ku jiraan degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwo ka tirsan gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan, Bakool, Bay iyo Jubooyinka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted August 23, 2012 Adiga how do u know, Maadeey hadaaba meesha timide mise waxaa la joogaa markaa shanta gamcood lataagi jiray loool Wlc to SOL lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted August 23, 2012 ^^ he's been here since may ninyoow. one must be blind to miss maadeey in 3 months in this forum. loool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 23, 2012 Macallinka;859929 wrote: Adiga how do u know, Maadeey hadaaba meesha timide mise waxaa la joogaa markaa shanta gamcood lataagi jiray loool Wlc to SOL lool and here comes Mooge defending him, soo waxbaa jira haye? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 23, 2012 :D @markii shanta gacmood la taagi jiray classic Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted August 23, 2012 abwan haye wa marki paranoia cir toogte kaa dhigi jirtay. loool. hooskaga haka dudin sidii waxar yaroo bakayle aragtay ninyoow oday ba tahaye. loool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 23, 2012 lol@Mooge....Abwaan P ma hayso, Alxamdulillaah ee naga daa magacyadan badan duqa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted August 23, 2012 wa side ninyoow mooge ma isagaba magac kale amini kara meshan wa la is ban gareya cadow badana wan leyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 23, 2012 waxaan la yaabay sidaad Siyaasi qareenka ugu noqotay:D Quote Share this post Link to post Share on other sites