Liibaan Posted August 20, 2012 Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 halka ay wararkalena sheegayaan 222Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan oo xilkan si KMG ah u sii heyn doona illaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay da’diisu tahay 72 sano. Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay markii xilka loo doortay kaddib waxaa uu ku sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u hambalyeynayo, ayna maanta heleen dowlad aan kumeel gaar ahayn. Kaddib waxaa uu ka sii hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in berri laga billaabo ilaa 25 bishan ay musharrixiinta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbin karaan musharraxnimadooda, iyagoo la xiriiri doona guddi doorasho oo uu magacaabi doono, kaasi oo shaqeyn doona 9-ka subaxnimo illaa iyo 3-da galabnimo. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle, Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida ay noqon doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in wareegga koowaad ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan musharrixiinta, wareegga labaadna ay ka qeybgeli doonaan intii wareegga koowaad ka soo gudubta oo haddana hesha codad ka badan 50%, iyadoo wareegga 3aad oo ugu dambeeyana ay ku tartami doonaan labadii musharrax ee isugu soo hartay, iyadoo midkii wareeggan ku guuleystaahi uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu danbayntii ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto ayaa waxaa ku ekeyd xilligii loo qabtay dowladdii Federaalka KMG ahayd in ay xilliga kala-guurka ah ku dhammeyso howlaha horyaallay, waxaana sida muuqata hadda dhisan baarlamaan aan KMG ahayn, kaasi oo soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kaddibna madaxweyne soo magacaabi doona ra’iisal wasaare. Isku soo wada duuboo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka bishan kaddib marka 25-ka musharrixiinta xilkaas u tartameysa ay soo gudbiyaan musharraxnimadooda. Laakin waxaanan la shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha oo iyana la saadaalinaayo inay noqondoonto 30ka Bisha Augest walow aan si cad loogu dhawaaqin . Dhowaan waxaanu idiin soo gudbin doonaa taariikhda Gudoomiyaha cusub oo kooban hadii ilaahay idmo. Realtaleex News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 20, 2012 Gen. Muuse Xasan Cabdulle Xasan Barlamaanka Cusub Oo Doortay Gudoomiye Kumeel Gaadh Ah- Lasanod Online. Monday, August 20, Muqdisho,(lasanod Online)- Kadib markii maanta ay dhamaatay dhaartii xildhibaanada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayey xildhibaanadu iska soo dhexsaareen qofka ugu da’da weyn isla markaana ugu khibradda badan. Waxaana uu noqday Gen.Muuse Xassan Cabdulle. Generaalka ayaa la wareegey Shirguddoonka, waxaana uu gaadhsiinayaa tan iyo inta laga dooranayo Shirgudoonka Baarlamaanka. Gen. Muuse Xassan Cabdulle ayaa isla maanta ku dhawaaqey xiliga ay dhacayso doorashada Baarlamaanku, waxaana uu sheegey in taariikhdu markey tahay 26 August ay dhacayso doorashada gudoomiyaha Baarlamaanku, isla markaana qabashada codsiga tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku egtahay 25ka August, 2012. Xildhibaanad ayaa kulankooda labaad isugu imaanaya maalinta berri ah, kulankaas oo ka dhacaya Iskoolka Booliska ee degmada Xamarjajab, halkaas oo hore loogu ansixiyey Dastuurka cusub, kulankan ayaa lagu dhisayaa guddiga doorashada ee Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo ugu danbeyn 03 September 2012. Artintan ayaa noqonaysaa guul weyn ee ay ku talaabsatey geedi socodka nabadda Soomaaliya, iyadoo maanta dalka Soomaaliya leeyahay baarlamaan rasmi ah, markii ugu horeyseyna lagu dhisay gudaha dalka Soomaaliya muddo aad u dheer. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 20, 2012 Oh my lord... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 20, 2012 Gen Muuse Xasan Cabdullah Xasan Waa Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Baarlamaanka Cusub Soomaaliya ayaa yeelatay baarlamaan cusub, iyadoo si ku meelgaar ah uu shir guddoonka u qabtay xildhibaanka ugu da’da wayn oo noqday General Muuse Xassan Sheekh. General Muuse Xassan Sheekh, ayaa ah wiil uu adeer u yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Waa markii ugu horeysay muddo labaatan sano ka mid ee gudaha dalka Soomaaliya lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka isla markaana caasimadda lagu qabto shir baarlamaan oo lagu soo dooranayo afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenada iyo sidoo kale madaxwaynaha. Guddoomiyaha ku meelgaarka ahaa ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ay dhacay 26 bisha. In ka badan 210 xildhibaan ayaa maanta dhaariyay xildhibaannimo, iyagoo beri fadhigooda labaad yeelan doona. Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka ayaa wali sii wadi doona howshooda dhamaystirka xubnaha baarlamaanka oo tiradoodu ay tahay ilaa 275. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 20, 2012 Gugoomiyaha Cusub General Muuse Xassan Sheekh, Ayaa Ah Wiil uu Adeer u Yahay Halgamaagii SomaliWeyn Hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xassa Soomaaliya ayaa yeelatay baarlamaan cusub, iyadoo si ku meelgaar ah uu shir guddoonka u qabtay xildhibaanka ugu da’da wayn oo noqday General Muuse Xassan Sheekh. General Muuse Xassan Sheekh, ayaa ah wiil uu adeer u yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Waa markii ugu horeysay muddo labaatan sano ka mid ee gudaha dalka Soomaaliya lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka isla markaana caasimadda lagu qabto shir baarlamaan oo lagu soo dooranayo afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenada iyo sidoo kale madaxwaynaha. Guddoomiyaha ku meelgaarka ahaa ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ay dhacay 26 bisha. In ka badan 210 xildhibaan ayaa maanta dhaariyay xildhibaannimo, iyagoo beri fadhigooda labaad yeelan doona. Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka ayaa wali sii wadi doona howshooda dhamaystirka xubnaha baarlamaanka oo tiradoodu ay tahay ilaa 275. Quote Share this post Link to post Share on other sites