Abwaan Posted August 20, 2012 Qudbadii Dardaaranka Madaxweynaha iyo Dhaarinta Xildhibanada (Sawiro -Dhageyso) Updated About:2 hours ago Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbadi ugu horeeysay u jeediyey baarlamaanka cusub. Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyey xubnaha baarlamaanka in ay noqdaan xildhibaanadi ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo u mahad celiyey dhamaan dadki kasoo qeybgalay soo diyaarinta baarlamaanka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in hada la joogo waqtigi ay dowladiisu sugeysay, waxa uu ka codsaday shacabka iyo xildhibaanada in ay u nuglaadaan sharciga si dowlada cusub ay u noqoto mid sharciga dhowrto. “Waxaan joognaa maalinti aan u soconay, hal sano waxaa laga shaqeynayey in aan halkaan imaano, maanta waxaan ku guuleysanay in aan baarlamaan dhaarino iyo in aan gudoomiye kumeel ah helno, beri waxaa bilaabanaya kulanki labaad ee baarlamaanka, dowlada in ay kumeel gaar ka baxdo waa wax aan aad u dooneynay waana gaarnay, xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in kuligeen aan u nuglaano sharciga si ay inoogu dhalato dowlad sharciga dhowrto,” ayuu yiri. Dhageyso Qudbadii Dardaaranka oo dhan Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ayaa lagu dhaariyey 225 xildhibaan kuwaasi oo noqday talaabadi ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya qaado. Dowlada cusub oo ay hordhac u noqdeen xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa munaasabada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mahiga. Kulan ay isla caawa ku yeesheen goobta lagu dhaariyey ayey xildhibaanada gudoomiye kumeel gaar ah ugu magacaabeen Jan. Muse Xasan Cabdullle. Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf ayaa goobta uga dhawaaqay in gudoomiyhaa baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishaan August si kadibna loo doorto madaxweynaha cusub. Dhageyso Qeybtii kowaa ee dhaarinta Xildhibaanada iyo Dhageyso Qeybtii 2aad ee dhaarinta Xildhibaanada Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com http://www.midnimo.com/2012/08/20/qudbadii-dardaaranka-madaxweynaha-iyo-dhaarinta-xildhibanada-dhageyso/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 20, 2012 Madaxweyne Shariif khudbadiisa waxaa laga dheehan karaa mid masuuliyadeed, sida kalsoonidu ku jirto ee uu u soo dhaweeyey baarlamaanka cusub iyo guddoomiyaha isagoo isla markaana xasuusiyey masuuliyedda laga sugayo iyo inay u istaagaan in Soomaaliya wanaageeda laga sii shaqeeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 20, 2012 Arrin sahlan ma ahan dadkaan magaca Ilaahay lagu dhaariyey iyo sidan soo socota inta kitaab gacanta loo saaray: "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, inaan xilkayga u guto si daacad ah oo danta dalka iyo diintu ku jirto, dhawrana dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 20, 2012 Former President Sharif Former PM Abdiweli Is that former minister Garjeex? temporary speaker Gen. Muuse Do I see Macallin Jiis over here? I can see three individuals I personally know; Bashiir Goobe, Mustaf Dhuxulow and Prof. Guure. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 20, 2012 Shariif Xasan muxuu ku qoslaa, Wakhti lagu jiro dhaarin? Xitaa habeenkii baa la isla gaarey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 20, 2012 Haddaba marka dib loo fiiriyo illaa sannadkii 2000 ee ay soo billawdeen dowladihii ku-meelgaarka Soomaaliya maxaa isbeddelay? Aragtidayd waxaan qabaa wax badan. Oo maxaa ka mid ah? In maanta dhul Soomaaliyeed lagu dhaarinayo xildhibaanno cusub oo Soomaaliyeed. Inkastoo muddadii loo qabtay la gaarey in haddana rajadu dhowdahay oo mar dhow la filay dowlad wax badan dhaanta kuwii hore Inkastoo qaar badan oo ka mid ah xildhibaannadan cusub ay yihiin kuwii hore haddana waxaa markaan soo muuqday shakhsiyaad leh khibrad, aqoon aananna ahayd dadkii mar walba iska soo daba noqon jirey. In goobta la isku dhaarinayo ay tahay mid amnigeeda la sugay oo si nidaam leh hawshu u socoto Inay goobjoog ka yihiin madaxdii wakhtigoodii dhammaaday, taasoo la dhihi karo waa guul In qaar badan oo ka mid ah dagaal-oogeyaashii loo diiday inay ku biiraan xildhibaannada cusub Waxyaabaha la is dhihi karo inay u baahan yihiin sixid? In la soo dhamaystiro qaybtii loo qoondeeyey haweenka Soomaaliyeed, waayo bulshada ayey ka yihiin qayb mug leh. In laga saaro shakhsiyaad dhibka Soomaaliya ka dhacay ka soo qaatay qayb weyn oo soo galay baarlamaankan cusub Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted August 20, 2012 Abwaan;858654 wrote: Shariif Xasan muxuu ku qoslaa, Wakhti lagu jiro dhaarin? Xitaa habeenkii baa la isla gaarey. Sakiin wuxuu ku qoslayaa ma dhaar baa wax iga taraysa horaan boqol mar u soo dhaartaye! Quote Share this post Link to post Share on other sites