MoonLight1 Posted August 20, 2012 Wasiirka dastuurka “Madaxda dalka iyo wasiiradana waa ku simayaal inta laga soo dooranayo madaxdii bedeli laheyd” Xukuumada KMG Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu dhamaaday xiligii ay jiri laheyd maanta taariikhdu tahay 20-ka bisha Agoosto iyadoo uu socdo qorshe ballaaran oo lagu dhisayo madaxdii hogaanka dowlada Somalia qaban laheyd afarta sanadood ee soo socota. Wasiirka dastuurka dowlada KMG Somalia C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa arintaas ku dhawaaqay maanta isagoo xusay iney sii joogi doonaan madaxweynaha raisul wasaaraha iyo golaha wasiirada xilalkana sii heynayaan inta laga soo dooranayo madaxdii bedeli laheyd. Xiliga kMG ahaa waa dhamaaday, maanta ayuu ku eg-yahay, hase ahaatee madaxweynaha, raisul wasaaraha iyo golaha wasiirada sidooda ayey xilalka u heyn doonaan waana ku-simeyaal inta laga soo dooranayo madaxdii bedeli laheyd” ayuu intaa ku daray Wasiirka dastuurka dowlada KMG Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites