Sign in to follow this  
MoonLight1

War deg deg ah: Xildhibaano gaaraya 211 oo si rasmi ah loogu dhaariyey Baarlamanka cusub.

Recommended Posts

Xildhibaano tiradoodu gaareyso 211 xubnood oo ka mid noqon doona Baarlamanka cusub ee dalka Somalia ayaa goor dhow oo maqribnimadii caawa ah lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweynaha dowlada Somalia, raisul wasaaraha gudoomiyaha Baarlamanka, xubno ka tirsan golaha wasiirada, wakiilka QM, saraakiisha ciidamada AMISOM, wakiilo ka socda beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya xaaladaha Somalia iyo guddiga Farsamada soo xulista xildhibaanada cusub.

 

Kuraas fara badan ayaa la dhigay barxad weyn oo ku taala gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde taasoo ay ku fadhiyeen madaxda iyo xildhibaanada cusub, waxaana xildhibaanadaas dhaariyey shan Garsoore oo uu horkacayey gudoomiyaha maxkamada sare ee dowlada KMG Somalia Caydiid Ilka-xanaf, iyadoo xildhibanada cusub markii la dhaariyey ay koox koox gacmaha u saarayeen kutub lagu dul safay miis dheer oo halkaas lagu diyaariyey.

 

Amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Aadan cadde oo markii horeba aad u adkaa ayaa si weyn loo sii adkeeyey waxaana dadka lagu baarayey dhowr goobood ka hor inta aysan gudaha u gelin garoonka Aadan cadde iyadoo ay baarayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Somalia.

 

Waxaa goobtaas ka hadlay xubnaha guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada oo ka hadlay howsha ay qabteen, iyagoo balan qaaday iney sii wadi doonaan shaqadooda inta laga soo dhamaeystirayo xildhibaanada harsan, sidoo kale waxaa hadda socda khudbado ay jeedinyaan madaxda dowlada KMG ah ee waqtigeedu dhamaaaday iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo sheegay iney maanta tahay maalin taariikhi ah.

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this