Mooge Posted August 20, 2012 WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNE SHARIIF OO OODA KA QAADAY DHAMAAN MAXABISTII AL-SHABAAB, OO AY KU JIRAAN KUWO AJAANIB AH Posted by SEK4 on August 20th, 2012 Madaxweynaha xilkiisu maanta ku ekaa ee Shariif Sheekh Axmed ayaa ooda ka qaaday maalintii shalay aheyd maxaabiis kor u dhaaftay 220 maxbuus, kuwaas oo isugu jira kuwo ay dagaalo ku soo qabteen ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo kuwo dilal iyo qaraxyo is xig xigay ka geeystay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidoo kale maxaabiista ooda laga qaaday waxaa weheliyey tiro aad u badan oo ka mid ah dagaalyahanda ajaaniibta ah ee ka garab dagaalama xarakada Al-shabaab Xogo rasmi ah oo ka soo baxaya Taliska ciidanka asluubta oo gacanta ku haya maamulka xabsiyada dalka ayaa sheegaya in masuuliyiinta ciidanku ay diyaariyeen sida caadiga aheyd liiska maxaabiista dambiyada fudud ee uu ku dhacay xukun maxakamadeed, oo sida caadiga ah cafis loo fidin jiray dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, laakiin saacadihii ugu danbeeyey ayaa la soo gaarsiiyey wareegto madaxweyne oo faraysa in ay ooda ka qadaan dhamaan xubnaha Maxaabiista ee AL-Shabaab ee iyagu sugayey in maxakamad la hor geeyo. Sii deynta deg dega ah ee maxaabiista AL-Shabaab ayaa khatar ku ah amaanka magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan dalka oo dhan, iyadoo ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo dalku ku jiro xil kal guur, sidoo kale waxa siideynta maxaabiista AL-Shabaab welwel iyo cabsi xagga amaanka ah ku abuuray dhamaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaliya, gudiga madax banaan ee soo xulista mudanyaasha baarlamanka iyo musharaxiinta ciida ka badan ee u taagan doorasha xilalaka kala kedisan ee dawliga ah Ma cad sababta rasmiga ah ee madaxweyne Shariif ku kaliftay in uu ooda ka qaado dambiilayaasha dagaal ee khatarta ku ah xiligan aminiga iyo kala danbeeynta dalka, laakiin dadka odorsa dhaqanka siyaasadeed ee hogaamiyayaasha soomalida ayaan meesha ka saareyn in ay tahay dhaqankii hore loogu yaqaanay madaxada soomalida ee ahaa in ay qas iyo jahawareer abuuran marka xilku ka dhamaado Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted August 20, 2012 You sure they didn't consist of pirates and thier helpers ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted August 20, 2012 maybe they were pirates but we will hear more about this very soon. it is very troubling shariif is acting like a warlord. Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted August 20, 2012 Who knows maybe , Amisom was behind it. But everyone deserves second chance. If Somalis were people who put thier country first before acting out in thier differences , we would send elders, teachers,mothers and religious groups to Alshabab in order to bring back our circle .There is solution to every problem because at end of the day Alshabab are Somalis, they probably are bothers,cousins,fathers ,husbands and sons of someone you know Fighting and destruction will just lead to more dangerous routes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 20, 2012 Shariif baa lagu qafiifay Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted August 20, 2012 Mooge;858455 wrote: kor u dhaaftay 220 maxbuus, Are you sure they are not on Shariif's own parliament;) Maybe he learned some lessons from Bashar Alassad's Shibbixa gangs. Quote Share this post Link to post Share on other sites