Sign in to follow this  
Dr_Osman

Happy Eid From Bosaso and Garowe. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Sidee looga Ciidey Garowe maanta (Sawirro & Cod)

 

19 Aug 19, 2012 - 3:09:03 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 19 August,2012 kumanaan dadweyne kula tukadey Salaada Ciida garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanyaasha aqalka wakiilada ,odayaasha dhaqanka ,qurbajoog ,aqoonyahano ,culimo iyo kumanaan kale oo dadweyne ah isuguna jirey dhalinyaro ,haween yar yar iyo duqeyba iska leh ayaa si wadajir ah ugu tukadey Mire Awaare.

 

Ka hor Salaada Ciida ayaa khubado kooban madasha laga soo jeediyey oo Culimadu door ku lahayd bilowgii islamarkaasinay ka shekeeyeen fadliga ay lahayd Bishii Ramadan aynu soo dhaagney iyagoona Alle uga baryeyey in Soonka uu ka aqbalo dhamaan umadda Islaamka ah.

 

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa dhankiisa u duceeyey umadda in ilaahay nabada iyo xasiloonida u xoojiyo waxana uu ku booriyey dadka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka nabadgelyadiisa loo xaqiijin lahaa.

 

Islaanku Somalia waxa uu sheegey in maanta ay mareyso xaalad adag oo u baahan in la iska kaashado sidii wadajir looga gudbi lahaa is loo gaaro dowaldnimada aynu tiigsaneyno.

 

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa isna kalamado kooban ka yiri meesha waxana uu xooga saarey amaanka iyo dhamaan dhinacyadu iska gacan qabtaan xoojintiisa.

 

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole ayaa lagu soo dhaweyey oo u hanbaleyey dadweynaha munaasabada Ciida awgeed ,waxana uu soo qaatey arrimo dhowr ah oo kamid ahayd Amaanka ,Dhaqaalaaha iyo weliba halka ay mareyso hawsha geedi socodka nabada Somalia.

 

Amaanka ayuu ku celiyey madaxweynuhu in saameyn ku yeeshey barakacii koonfur Al-shabaab looga saarey fariisimo badan isagoona meesha aan ka saarin in dilalka qorshaysani yihiin qorshe argagixiso oo u siyaasadeysan qaab qabiil.

 

Madaxweynuhu waxa uu qirey mar kale in dhaqaalaha Puntland hoos u dhac ku yimid iyadoona ay dhacdey in shilinkii Somaliga la waayo islamarkaasina Doolarku uu ku bato suuqyada.

 

Waxa uu sheegey in lacago la soo sameynayo oo ka dhaqan galaya dalka marki ay dhalato dowladda Soomaaliyeed ee haatan hawsheedu socoto isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dhibaatada dhaqaale ay ku tagi doonto imaatinka lacagahaasi.

 

Ganacsatada ayuu raaciyey inasan bixin cashuuraha iyo dadka guud ahaan si loogu shaqeeyo waaxyaha kala duwan ee dowladda waxana uu tibaaxey Dr.Farole in canshuurta lacagta ay dadku ku bixiyaan dib ugu soo laabaneyso oo faa’ido u noqoneyso sida amaankooda oo laga shaqeeyo.

 

Xulista mudanayaasha Barlamanka Somalia iyo faragelin iyo cabsi gelin lagu hayo xubanah guddiga farsamo ee xulista xubnaha ayuu soo qaatey isagoona cadeeyey inay jiraan dad ka soo horjeeda nidaamka Federaalka oo jagooyin sar sare dalka tartan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen.

 

Wadooyinka waawey ee magaalada Garowe ayaa dadweyne faro badan iyo gaadiid lagu arkayey iyadoona la is weydaarsanayey ‘’Ciid Wanaagsan’’ ‘’Ciid Mubaarak’’,waxana sidoo kale jirey caruur iyana si qurxoon loogu labisey kuna watey gacmaha qalabka kala duwan ee ciida ku ciyaaraan.

 

Bahda Garowe Online Umadda Somaliyeed ayay ugu tahniyadeyneysaa Ciida Barakeysan waxana alle uga rajeyneynaa sanadkan sanadkiisa inaan ku gaarno Nabad ,Guul iyo Somalia oo mid ah.

 

Halkan ka dhageyso khudbadda Madaxweynaha Puntland ee Ciida

 

Halkan ka daawo sawiradda sida looga ciidey Garowe Maanta

 

IMG_4074.JPG

IMG_4068.JPG

IMG_4071.JPG

IMG_4078.JPG

IMG_4082.JPG

IMG_4090.JPG

IMG_4113.JPG

IMG_4127.JPG

IMG_4108.JPG

IMG_4102.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Daawo Sawirada Sida looga ciiday Magaalada Boosaaso

 

August 19, 2012 - Written by Webmaster - Edited by Webmaster

 

Boqolaal Dadweyna Ayaa Maanta isugu Soo Baxay magaalada Bosaso Kuwaas oo Weynaynayey Maalinta Koowaad Ee Ciidula Fidriga Dadkan Ayaa Waxaa Kamuuqatay Farxad aad uweyn Maadama Ay Si Nabad Ah Ku Dhamaeysteen Bishii Barakaysneyd Ee Ramadaan.

 

Dad Aad Uafara Badan Ayaa Isugu Yimi Garoonka Kubada Cagta Eee Magaalada Bosaso Si ay Ugu Tukadaan Salaad Ciida Sidoo Kale Waxaa Halkaasi Goob Joog ahaa Masuuliyiita degmada Bosaso iyo Maamulka Gobolka Bari isimo Culimo,awdiin iyo Boqolaal Ad aad Ufaraxasan.

 

Salaada Kadib Ayaa Waxaa Madasha Hadalo Kooban Kajeediyay Madaxda Dawlada Cullimo iyo Isimo.

 

Sheekh Yuusuf Reeryo oo Kamida Culimada ugu Caansan Deegaanada Puntlan ayaa Shucuubta Islaamaka Gaar ahaan kuwa Somaliyeed ug Hambalyeyay Munaasabada Ciida isagoo Sheegay Shiikhu In Ciidan Ay Kamid Tahay Ciidaha Islaamaka Wuxuuna Dadkii Madasha Kasoo Qayb Galay Ku Booriyay in ay Waxtaraan Dadka Aan Haysan Waxay Kuciidaan Sida Ganacsata iyo Dawlada oo ugu Yeeray in ay Dadkaas Waxtaraan.

 

Sidoo Kale Waxaa Isna Goobta Kahadlay Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo Isna Munaasabada Ciida Shacbka Reer Bosaso ugu Ham Balyeyay Isagoona Dadka Muslimiinta ah Ku amaanay Sidii ay usoo Guteen Mid Kamida Arkaanta ISlaamka Kaas oo aha Ramadaanka.

 

Xasan Cabdalle Duqa Bosaso Wuxuu Ganacsatada Ugu Yeeray In Ay Maanta Ka Farxiyaan Dadka Barakacayaasha ah Maxaabiista iyo Dadka aan Waxba Haysan .

 

Yuusuf Muumin Bide Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Bari Ayaa Isna Munaasabada Ciida ugu Hambalyeyay Shacba Reer Puntland Isaga oo Sheegay In uu Shacabka Gobolka Bari uga Sido Salaan uu Soo Diray Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud.

 

Ugu Danbeytii Waxaa Munaasabada Soo Xiray Suldaan Bashiir muuse Kawnte oo Kamida Salaadiinta Puntland Wuxuu isna Shacbka Reer Putland ugu Hambalyeyay Munaasabada Ciida Wuxuuna Sidookale Suldanku Shacabka Ku Booriyay Ka Shaqaynta Amaanka.

 

Magaalada Bosaso Ayaa Maanta Siwanaagsan Looga Ciiday Iyadoo Wadooyinka Waaweyn ee Magaaladana Ay isugu Soo Baxeen Boqolaal Dad Weyna ah .

 

DAWO SAWIRO

 

ciid-1.jpg

ciid-4.jpg

ciid-7.jpg

ciid-8.jpg

ciid-10.jpg

ciid-11.jpg

ciid-13.jpg

ciid-14.jpg

ciid-15.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dhagayso: “Nimaan talinjirin haduu taliyo, nimaan tagi jirin baa taga” Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Posted by PI on August 19th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa Madexdii dhaqanka ee maanta bulshada weynta reer Puntland ee soomaaliyeed kula tukatay salaadii Ciidul-fitriga Garoonka Mire aware ee magaalada Garowe ayaa khudbad aad u kulul u jeediyay dadweynihii garoonka isugu yimid iyo guud ahana kuwa Puntland ee warbaahinta tooska ah kala socotay.

 

Islaanku wuxuu khudbadan jeediyay iyadoo ay madasha fadhiyaan Madexda sare ee dawlada Puntland oo uu horkacayo Madexweyne farool wuxuuna aad uga hadlay xaalada wadanka iyo maamulka deegaanka ee hada jira.

 

Halkan ka dhagayso khudbadii Islaan Ciise Islaan Maxamed

http://puntlandi.com/?p=41311

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this