Sign in to follow this  
Dr_Osman

Rebuilding Puntland Salt Factory At Hafun. VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Taariikh Muhiim ah , Jaanis-yada Muhiimka ah ee Puntland u furan Mustaqbalka Hurdiya iyo Xaafuun (Daawo Filmka).

 

August 17, 2012 4:37 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Ma og tahay puntland-eey, in dowladii Talyaanigu waqtigii ay Xooga ku qabsaday Deegaanada W/bari ee hadda loo yaqaan Puntland in ay qiimeeyeen in deegaanada Bariga fog ee Hurdiya iyo Xaafuun oo badeedu ay tahay joog hoose oo laga samayn karo cusbo badan.

 

Waxaa warbixinta lagu sheegay in deegaanada Hurdiya iyo Xaafuun laga daabuli karo Aduun cusbo ah oo gaaraya illaa 3000 oo tan sanadkii laga qaadi karo.

 

Haddaba maxay sameeyeen dowladii Talyaanigu

 

Markii ay qiimeeyeen Talyaanigu in deegaanada Xaafuun & Hurdiya laga daabuli karo Cusbo intaas le’eg waxay sameeyeen qaabkii mashruucaas loo hirgelin lahaa, waxayna ka sameeyeen deegaanadaas kana dhiseen qalabkii fududayn lahaa samaynta iyo soo saarida cusbadaas, waxaana qalabkaas lagu rakibay Xaafuun iyo Hurdiya labada, waxaana Filimka Youtube-ka ka arki doontaa qalabkaas casriga iyo sida Cusbada laga soo saari jiray deegaanadaas loo samayn jiray.

 

Talyaaniga markii ogaaday fursadaas waxay ka sameeyeen oo kale Warshada sii sifeysa Cusbadaas laga taagay Magaalo lagu magacaabo Dante oo ku taala deegaan u dhow magaalada Milano, warshadaas lagu dhisaayey 4 sano, si ay u baakadayso una xirxirto Cusbadii laga qaadayey Xeebaha Hurdiya & Xaafuun.

 

Cusbadaas oo laga dhoofinayey deegaanada Xaafuun & Hurdiya illaa 6 sano ku dhowaad, barnaamijkaas masii socon , waxaana markii danbe deegaanadaas la wareegay dowlada Ingiriiska ,islamarkaasna qalabkii ka rartay deeganada Xaafuun & Hurdiya.

 

Talyaaniga ayaa ku qiimeeyey haddii ay sii socon lahayd barnaamijkaasi in Cusbada laga soo saaro Xaafuun & Hurdiya ay noqon karo mida ugu badan ee laga soo saaro dunida caalamka ,isla markaasna ah mida ugu wanaagsan.

 

Nimcada deegaanadaas illaahay ku manaystay weli dadka reer Puntland kuma baraarugsana , shidaal kaliya maahee waxaa jira Kaluun, Beero, Durduro , macdan, illaahay hana waafajiyo inaan garano nimacada dhulkeena ceegaagta.

 

Faafinta Puntlandpost.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh man, I can't imagine what it must've been like working long hours outdoors in that scorching climate. I'm baking in 25C weather in Toronto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this