Sign in to follow this  
Dr_Osman

In The Bazaars Of Bosaso. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Magaalada Boosaaso oo Laga Dareemayo Diyaar garowga Ciidul-Fidriga iyo Barakacayaasha oo Baaq Diray [sawirro]

Comments (2) | Write Comment

 

Boosaaso[RBC Radio] Iyadoo maalinta berrito ah haddii EEBE idmo la filaayo in guud ahaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed ay si farxad u wada Ciidi doonaan ayaa Suuqyada magaalada Boosaaso waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq balaaran oo dhanka

 

Shabakadda Raxanreeb.com Xafiiskeeda magaalada Boosaaso ayaa maanta u kuurgalay dhaqdhaqaaqa ka socda Suuqyada waa weyn ee magaalada iyadoona dadweynuhu ay ka hadleen dareenkooda maalinta Ciidul-fidriga.

 

Dadka qaar oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegaya in Ciidaan ay si weyn ugu diyaar garoobeen isla markaana ay ku farxsan yihiin in ay farxada la wadaagaan guud Muslimiinta meel kasta oo ay kunoolyihiin.

 

Sidoo kale waxa ay cabasho ka muujiyeen qiimaha lagu Iibiyo dharka iyo kabaha iyagoona tilmaamay in kor loo qaaday qiimahoodu isla markaana waxa ay ka codsadeen ganacsatada in ay ugu naxariistaan fadliga Ciidul-fidriga awadeed.

 

Dhanka kale ganacsatada ayaa iyana u sababeeyey qiima kororka dharka iyo kabaha ku yimid ay tahay doonyihiin la filaayey in ay agabka lagu Ciido keenaan oo ka baqay kooxaha Burcadbadeeda balse ay u qiima dhimeen macaamiishooda.

 

Xiriiriyaha Guud ee Barakacayaasha magaalada Boosaaso Cali Barre Ismaaciil ayaa ka codsaday Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay ka farxiyaan Walaalahooda dhibaateysan ee aan haysan wax ay ku Ciidaan isla markaana waxa uu hambalyada farxada Ciida u diray guud ahaan dadka Barakacayaasha ah ee caalamka ku dhaqan gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed.

 

022.jpg

012.jpg

08-1.jpg

010.jpg

09-1.jpg

015.jpg

021.jpg

019.jpg

013.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this