Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Prof. Jawaari : Musharaxa Guddoomiyaha Barlamaanka

Recommended Posts

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo go'aansaday isu soo taagidda xilka Guddoomiye-nimada Golaha Barlamaanka D. Federalka Soomaaliya, waa Muwaadin Wadani ah, aqoonyahan sare ah, nadiif ka ah guud ahaanba colaadihii iyo dagaaladii sokeeye iyo daadinta dhiigga Umadda Soomaaliyeed, Waayo arag ah, maamul yaqaan ah, soona qabtay Guddoomiyaha Guddiga Talabixinta Dastuurka.

Prof. Jawaari waa Sharci yaqaan ku haboon xilka Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, daacadnimo leh, xilkasnimo leh, aqoontii sharciyeedna leh, waxaana hubaa haddii uu Guddoomiye loo doorto in uu noqonaayo kii ugu daacadsanaa, dadnimo wanaagsanaa, uguna karti badnaa wixi ka danbeeyay Marxuum Halyeey Sh. Mukhtaar.

 

 

17_AUG_2012%20copy.jpg

 

Dhagayso waraysi ay la yeelatay Universal TV Prof. Jawaari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isma sharxin. Waa kasoo fikiraayaa lahaa last time I knew, inkastoo dabada ka riixooyaan by anti-Shariif Xasan group. And if isa sharaxo, I don't think in ku guuleysanaayo maadaama tolkuu kasoo jeedo kasoo horjeesan doonaan musharaxnimadiisa guddoomiye baarlamaan. They unanimously agreed qof isku sharxo guddoomiye baarlamaan in uunan tolka ka mid ahaan and stand behind Shariif Sakiin's candidacy as a president. They are united in this and that is why only Shariif Xasan isa sharxay madaxweynimada, whereas qabaa'ilada kale tobaneeyo u sharxan each.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, the clan should run for President, but can they not get a better candidate that can be sold to Somaliweyn. Also this man is being touted big time and if he wins, Sakiin has no chance...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amin Amir ayaa dabada ka riixaya ninkaan cusub. :)

 

There is a slight risk for Shariif Xasan's clan in its strategy to abandon the Speaker-ship post. If the position goes to another clan, there is no guarantee Shariif Xasan's clan will get the Presidency or the PM post. Let us keep in mind there is the Northern Clan which never had the PM or Presidency and they could get one of the top three positions this time around. That would effectively mean Shariif Xasan's clan will miss the top three posts.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shariif Sakiin has 0 chance of winning the presidency, he won't even win his old seat should he run for it. The "clan" need to get a better candidate or else kiss the top 3 posts good bye. What clan backs a man like Shariif waa cajiib walaahi Somalis will never learn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof Jawaari oo Sameystay Ilaalo Gaara Cabsi uu ka qabo Shariif Xasan darteed

 

Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo kamida Aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ka mid noqday xubnaha liiska xilibaanada ee soo baxay ayaa Ilaali gaara sameystay, isagoo dagay meel aad amaankeeda uu uga taxadaray kadib cabsi uu ka qaboShariif Xasan Shiiq Aadan oo ah hogaamiye hanti badan heysta raalina aan ka aheyn hanka Prof Jawaari ee ah in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Aqoonyahankan Sharciyada ku taqasusay ayaa dhib badan ka maray in uu kamid noqdo liiska xildhbaanada ku biiraya Baarlamaanka cusub, maadama Shariif Xasan shiiq Aadan Gudoomiyaha Barlamaanka waqtigiisa sii dhamaanayo uu arinkaa gaashaanka u daruuray maadama ay isku beel yihiin qoondada beeshaasna sida warar sugan sheegayaan uu yahay kan soo gudbinaya iyadoo uu waxkasta ku bixiyey in aysan u qabsoomin in Prof Jawaari uu kamid noqdo Xilibaanada Barlamaanka.

 

Shariif Xasan oo isagu u taagan xilka Madaxweynanimada ayaa diidan si qorshihiisa aysan uga burburin in qof ka socda Beesha uu kasoo jeedo isu soo taago Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka taasoo hadii uu ku guuleysto Prof Jawaari oo lagu wado in uu isu soo taago qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka wax kama jiraan ka dhigeysa halganka dheer ee uu ugu jiro Shariif Xasan in uu ku fariisto kursiga Madaxweynanimada Soomaaliya.

 

Hadaba ilaaladan gaarka ah ee uu sameystay iyo hadal heynta Prof Maxamed Cismaan Jawaari ee ah in uu isu soo taagayo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa walwal dheeriya ku heysa Shariif Xasan Shiiq Aadan oo isagu marnaba liqi waayey in si sahlan ay ugu suuragashay in uu kusoo baxo Liiska Xubnaha Xilibaanimada loo dhaarin doono dhawaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this