Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xaabsade: 'The Freedom Fighter'

Recommended Posts

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya

 

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay guddiga xulista xidlhibaannadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya.

 

Mudane Xaabsade oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in sababta loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin dacwad dambi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay warkan.

 

"Aniga hoggaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed," ayuu yiri Xaabsade isagoo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee **** aysan lahayn hoggaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayay beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn.

 

Mar la weydiiiyay su'aal ahayd inay saameyn ku yeelan karto soo celinta magaciisa ay soo celiyeen guddiga xulista baarlamaanka ayuu sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah gelinayn.

 

"Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyay shirkii Embagathi, aniga maxkamad wax iguma soo caddeyn - shuruudaha Roadmap-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kaddib ahaa wasiir," ayuu yiri Xaabsade.

 

Ugu dabeyn, Xaabsade wuxuu guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada, isagoo sheegay inaysan arrintaan DKMG ah iyo Qaramada Midoobay aysan waxba ka ogeyn.

 

Guddiga xulista xildhibaanada baalamaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan dib u celinayeen magacyada xubnaha looga shakisan yahay inay dambiyo dagaal galeen iyo xubno kale oo qaarkood lagu celiyay aqoon-darro.

Xigasho

_______________________

 

Wax badan ayaa lagu faantamay kaabo qabiil dagaaleed maanta waa laga cararaayaa. Oh, how times change! I am awaiting Qanyare's and Yalaxoow's versions, too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

He's using the same clan card he used to kill for in the past. Nothing changed. His argument is I was fighting in the civil war to protect my clan and now my clan is getting robbed of their representation in the parliament.

 

Has anyone asked these warlords why is it that they believe they are entitled and privileged to present their respective clan?

 

I can't believe this man is opening the door for someone to take him up on that and take him to court for all the crimes committed against Somalis. I hope the next chapter of his life will be in the court room.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this