Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bossaso Begin Eid Preparation. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka socota qaban qaabo xoogan oo loogu diyaar garoowayo ciida barakaysan ee Fidriga oo ay ka harsantahay maalmo kooban.

 

Suuqyada dharka lagu iibiyo, baqaarada dharka, iyo goobaha kalle ee lagu farsameeyo macmacaanka sida xalwadda, doolshada iyo buksudka ayaa siweyn looga dareemayaa mashquul, waxaana meelaha qarakood aad ku arkaysaa dad waawayn iyo carruur isugu jira oo ka dukaamaysanaya goobaha oo dhan.

 

Inkasta oo diyaar garoowgu jiro ayaa hadana dadwaynaha markaad waraysato waxa ay ka cabanayaal qiimaha doolarka lagu sarrifo oo gaaray heer aad u hoosaysa halka maciishada kallena ay kor u kaceen.

 

Waxaana eedda ugu balaaran ay dusha ka saarayaan dhinaca dowladda Puntland.

 

“Sida aad la socotaan maciishado iyo dharka waxaa uu marayaa heer aan awalkiisu gaarin, dadkuna waxaa ay noloshooda ku tiirsantahay lacago ay dadka dibadda jooga usoo diraan, laakiin nasiib daro $150 qoyskii bisha heli jiray maanta waxa ay u dhigantaa iyagoo hela $50 ama halmalyan waxba kuuma tarayso” sidaasi waxaa ku calaacashay Ruqiyo Maxamed Warsame oo ah haweeynay suuqa ka dukaamanaysay alaabaha ciidda.

 

“Hargaysa oo Somaliland ah dowladooda waxa ay ku guulaysatay doolarka inuusan dhaafin qiimo ay dowladda joongoysay laakiin nasiib xumo xukuumada Puntland waan la yaabanahay waxa ay dhibaatdan dhaqaale wax uga qaban la’dahay shilin Soomaligana ay iyadu ay bangiyada ugu guranayso” ayay ku warantay haweenay diiday magaceeda oo suuqa Bosaso aanu kula kulanay. waxaa ay intaasi raacisay dowladdu inaysan lahayn damiir ay dadkeeda dhibaataysan ugu damqato.

 

Dadwaynaha magaalada Boosaso waxaa ay sanadkan ciidayaan iyadoo qasaarihii ugu xumaa dhaqalaaha Soomaliya soomara ay ku habsatay suuqii ugu waynaa bariga Afrika ee Bosas oo ay ku xirnaayeen gobolada dhexe,Somaliland,Ismaamulka Somalida Itoobiya,Kenya iyo koonfurta dalka Soomaliya, waxaa gubtay hanti lagu qiimeeyay inay ka badantahay 15-milyan oo doolar dhamaadkii sanadkii tagay ee 2011-kii markii dab xoogan uu ka kacay suuqa dad badana ay waayeen waxa ay nolosha qoyskooda ku maareeyaan,hanti burburkii dabka ka dhashay awgiis.

 

Dowladda Puntland ayaa iyadu u muuqata mid daawanaysa heerarka isrogroga ah ee ku dhacaya ascaarta iyo sarifka, dhibka ugu wayna lagu aanaynayo sh.so. oo suuqa ka baxay.

 

110.jpg

34.jpg

44.jpg

56.jpg

62.jpg

73.jpg

132.jpg

94.jpg

115.jpg

121.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this