Aaliyyah Posted August 14, 2012 Lasanod Online. Tuesday, August 14, 2012 Muqdisho,(Lasanod ONline)- Guddida farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baadhitaankii lagu sameeyey. Mas'uuliyiin ka tirsan guddida ayaa sheegay in laga yaabo in maanta magacyada xubnaha la hayo lagu dhawaaqo, waxayna xuseen in xildhibaannada dhiman oo qaar kamid ah dib loo celiyay lagu soo dhameystiro doono labada maalmood ee soo socda. Inkastoo guddidu ay hadalkan maanta sheegeen ayaa waxaa haddana weli jira muran xooggan oo u dhexeeya beelaha, kaasoo ku saabsan xubnaha xildhibaannada ah ee dib loo celiyay iyo kuwo ku andacoonaya in boosaskoodii la boobay. Xildhibaannada la hayo ayaa waxaa ku jira wasiirro iyo xildhibaanno horay uga mid ahaa baarlamaannadii dalka soo maray, waxayna guddidu sheegeen in baaritaan lagu sameeyay ay ku guuleysteen, sidoo kalena aysan wax cillad ah oo ay u hayaan. Guddida xallinta khilaafaadka ayaa iyaguna sheegay inay soo gaarayaan dacwooyin ku saabsan boosas xildhibaan oo lagu muransan yahay, iyagoo sheegay inay ku jiraan qorshihii ay ku xallin lahaayeen, inkastoo aysan sheegin xilliga ay kusoo afjari karaan xallinta khilaafaadyada taagan. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted August 15, 2012 How did all these parliament members and to be are surviving the daily assassinations ? Quote Share this post Link to post Share on other sites