Sign in to follow this  
Dr_Osman

Oh god. Heavyweight Siyasi Ina sharmarke arrives in mogadishu

Recommended Posts

Dr_Osman   

Raysal Wasaarihii hore ee DFKS Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho ka degay.

 

About:- 43 mins ago | 0

 

Raysal wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

 

Waa socdaalkii ugu horeeyey ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu lumiyey xilkii Raysal wasaarenimo dabayaaqadii sanadkii 2010 markaas oo khilaaf xal loo waayey soo kala dhexgalay isaga & Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed.

 

Kama bixin wax faahfaahin ah socdaalkiisa wuxuuna u sheegay warfidiyeenada inuu dib ka soo sheegi doono ujeedka safarkiisa isagoo xusay in Xukuumadiisii ay wadanka ka qabatay shaqo weyn ayna ahayd iyadu tan horseeday Guulaha ay gaartay DFKS.

 

Ku biirida tartanka doorashada.

 

Ilo ku dhow dhow Dr. Sharmaarke waxay u xaqjiiyeen Horseed Media inuu ku biiri doono tartanka loogu jiro Xafiiska Madaxweynaha doorashooyinka la qaban doono 20 Aug uuna ku dhawaaqi doono musharxnimadiisa maalmaha soo socda.

 

mudo hada laga joogo 1 todobaad wuxuu kula kulmay Magaaladda Dubai qaar ka mid ah taageerayaashiisa, Ganacsato & Aqoonyahano sida uu noo xaqiijiyey goob jooge shirkaas ka qayb galay Dr. Cumar wuxuu u sheegay xubnihii shirka joogay inuu u tartami doono doorashada Madaxtooyada isagoo ka codsaday in lag taageero ololihiisa.

 

Shiine Culay

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this