Sign in to follow this  
MoonLight1

XT peace deal with Siilaanyo.

Recommended Posts

Somaliland oo dib uga baxaysa goobo ku dhaw Buuhoodle (Heshiis)

 

xaglatoosiye.jpg

 

Wada hadalkii u socdey maamulka Somaliland iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle oo uu ka mid yahay siyaasiga reer buuhoodle Saleebaan Axmed Ciise Kaar ayaa laga gaarey heshiis rasmi ah kaas oo oo habeenimadii xalay qalinka lagu duugey.

 

Heshiiska ayaa dhigaya in nabad la wada qaato, laga fogaado dhamaan wixii nabadda carqaladeynaya, sidoo kale nuxurka ugu muhimsan heshiiskan ayaa ah:

 

- In ciidanka Somaliland dib looga saaro meel u jirta Buuhoodle 10km lana geeyo Tuulada Qurulugad oo 30 Km u jirta

- In dhamaan dadkii shacabka ahaa ee lagu qabtey dagaaladii ka dhacay goobahaas la sii daayo kuwaas oo tiradoodu gaareyso 60 qof.

 

Heshiiska ayaa durba dhaqan galay waxaana maanta ciidamada Somaliland bilaabeen in ay u guuraan tuulada Qururlugad, sidoo kale waxaa socda qaabkii farsamo ee maxaabiista lagu soo daynaayo.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Cadami ayaa sheegey in arintaas ay ku bedesheen nabad oo keliya, Waxaa jirey warar la isla dhexmaraayey oo sheegayey in Hoggaamiyaha Jamhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagalatoosiye) uu awood qaybsi la samaysto maamulka Somaliland.

 

Wada hadalka ayaa ka soo bilaamey magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka carabta halkaas oo Xagala toosiye kulan kula qaatey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo.

 

Xagla Toosiye ayaa kadib ka degay Puntland isaga oo maalmo ku sugnaa magaalada Garowe, waxaana uu u gudbey Buuhoodle halkaas oo ay iska raaceen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ee Buuhoodle, waxaana heshiiskan hordhac u ahaa kulan ka dhacay magaalada Caynabo kaas oo loogu gogolxaarey shirka Hargeysa ku soo dhamaadey.

 

Xaglatoosiye ayaa horey u sheegey in isagu ka shaqeynayo sida Beeshiisu ay nabad ugu noolaan lahayd ugana bixi lahayd colaada sanadihii u danbeeyey ka jirtey deegaanka Buuhoodle.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this