MoonLight1 Posted August 11, 2012 Somaliland oo dib uga baxaysa goobo ku dhaw Buuhoodle (Heshiis) Wada hadalkii u socdey maamulka Somaliland iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle oo uu ka mid yahay siyaasiga reer buuhoodle Saleebaan Axmed Ciise Kaar ayaa laga gaarey heshiis rasmi ah kaas oo oo habeenimadii xalay qalinka lagu duugey. Heshiiska ayaa dhigaya in nabad la wada qaato, laga fogaado dhamaan wixii nabadda carqaladeynaya, sidoo kale nuxurka ugu muhimsan heshiiskan ayaa ah: - In ciidanka Somaliland dib looga saaro meel u jirta Buuhoodle 10km lana geeyo Tuulada Qurulugad oo 30 Km u jirta - In dhamaan dadkii shacabka ahaa ee lagu qabtey dagaaladii ka dhacay goobahaas la sii daayo kuwaas oo tiradoodu gaareyso 60 qof. Heshiiska ayaa durba dhaqan galay waxaana maanta ciidamada Somaliland bilaabeen in ay u guuraan tuulada Qururlugad, sidoo kale waxaa socda qaabkii farsamo ee maxaabiista lagu soo daynaayo. Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Cadami ayaa sheegey in arintaas ay ku bedesheen nabad oo keliya, Waxaa jirey warar la isla dhexmaraayey oo sheegayey in Hoggaamiyaha Jamhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagalatoosiye) uu awood qaybsi la samaysto maamulka Somaliland. Wada hadalka ayaa ka soo bilaamey magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka carabta halkaas oo Xagala toosiye kulan kula qaatey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo. Xagla Toosiye ayaa kadib ka degay Puntland isaga oo maalmo ku sugnaa magaalada Garowe, waxaana uu u gudbey Buuhoodle halkaas oo ay iska raaceen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ee Buuhoodle, waxaana heshiiskan hordhac u ahaa kulan ka dhacay magaalada Caynabo kaas oo loogu gogolxaarey shirka Hargeysa ku soo dhamaadey. Xaglatoosiye ayaa horey u sheegey in isagu ka shaqeynayo sida Beeshiisu ay nabad ugu noolaan lahayd ugana bixi lahayd colaada sanadihii u danbeeyey ka jirtey deegaanka Buuhoodle. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites