Sign in to follow this  
Mooge

election season getting hot. 13 candidates unite and form one block to win

Recommended Posts

Mooge   

Hasan Sheekh Maxamuud,

Axmed Ismaaciil Samatay,

C/raxmaan C/shakuur,

Xaaji Maxamed Yaasiin,

Xuseen Khaliif Jaamac,

Xaaji Maxamed Yaasiin,

Cumar Salaad Cilmi,

Maxamed Maxamuud

Guuleed Gacma-dheere,

Axmed Muumin Warfa,

C/raxmaan Macalin Sharaf,

Maxamed Nuur Galaal,

Abdi Faarah Shirdoon,

Yaasiin Maaxi Macalin,

Abdukadir Xaashi Cali Fiish.

Ilaa 13-musharax oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqeen Isbaheysi ay ugu magac dareen Isbaheysiga Bahwadaagta qaran ee Isbedel doonka ah, iyadoo la filayo in Musharaxiinta ay iska soo doortaan Hal musharax, si uu ugu tartamo xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

 

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in go'aankan ay qaateen markii ay arkeen inay socdaan qaab ka duwan sidii hore ay u fikireen, isla markaana ay keentay in isbaheysigan ay dhistaan sida ay hadalka u dhigay.

 

"Waxaan isku raacnay in xaalada dadka Soomaaliyeed uu ku jiraan ay tahay mid musiibo ah oo halis gelinaysa jiritaanka ummadda, sida nabadaglyo la'aan, gaajo, kala qaybsanaan, cuduro, shaqo xad-dhaaftay, daacad la'aan, karti xumo, qab-jab iyo inaysan jirin hiigsi qaran"ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Musharaxiintan gaareysa 13-ka xubnood.

 

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in dalka uu ka dhaco Isbedel siyaasadeed iyo mid hogaaneed, isla markaana hal musharax ah uga qeyb geli doonaan, inkastoo aanay soo bandhigin magaca musharaxa uga qeyb galaya.

 

Musharaxiintan soo saaray war saxaafadeedka ayaa waxaa ka mid ahaa Hasan Sheekh Maxamuud, Axmed Ismaaciil Samatay, C/raxmaan C/shakuur, Xaaji Maxamed Yaasiin, Xuseen Khaliif Jaamac, Xaaji Maxamed Yaasiin, Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Axmed Muumin Warfa, C/raxmaan Macalin Sharaf, Maxamed Nuur Galaal, Abdi Faarah Shirdoon, Yaasiin Maaxi Macalin, Abdukadir Xaashi Cali Fiish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this