Saalax Posted August 9, 2012 Shiikh Shariif Oo Degmooyin Cusub Magacaabey Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa iska soo daba saarey wareegtooyin uu degmooyin ugu magacaabayo tuulooyin ka tirsanaa gobolka Shabeelada Dhexe oo uu isagu ka soo jeedo, xili Mandate-kiisi ay ka harsan tahay wax ka yara laba todobaad. Tuulooyinka Ceel Axmed, Ceel Baraf iyo Al-kowsar oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa wareegtooyinka Madaxweynaha ku soo baxay in ay yihiin degmooyin rasmi ah. Wareegtooyinka ayaa ku mudeysan ka hor inta aan la ansixin dastuurka Federaalka Soomaaliya, waxaase warbaahinta ku hadasha afka dawladdu soo bandhigtey todobaad ka dib ansixintii dasuurka. Tuulooyinkan oo dhamaantood ahaa goobaha ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Madaxweynaha ayaa magacaabidoodu u muuqdaan kuwo ka mid ah ololiisa musharaxnimo. Tirada guud ee degmooyina Shabeelaha Dhexe ayaa noqonaya 8 kuwaas oo shan kamid ah ay jireen ka hor bur-burkii qarankii Soomaaliyeed 1991-kii. Todobaad ka hor ayey ahayd markii Madaxweynuhu soo saarey wareegto uu Tuulada Gelinsoor ugu aqoonsanayo degmo. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 9, 2012 http://horseedmedia.net/2012/08/09/shiikh-shariif-oo-degmooyin-cusub-magacaabey/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 9, 2012 Soomaaliya degmooyin in la magacaabo waa u baahan tahay cause this did not happen for the last 21 years....thanks but no thanks President Sharif......this won't really help your campaign at all but it will help Somalia for sure. Quote Share this post Link to post Share on other sites