Sign in to follow this  
Dr_Osman

Water Project Begins In Kalabayr. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Shirkada Biyaha Nugaal oo Ceel-biyood ka bilawday deegaanka Kalabayr.

Posted by PI on August 6th, 2012

 

 

Kalabayr(Puntlandi.com):- Shirkada Biyaha ee gobolka Nugaal ayaa Ceel-biyood ka qodaysa deegaanka Kalabayr ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 40Km u jira Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

 

Ceel-biyoodkan oo qodaalkiisa maanta laga bilaabay deegaankan Kalabayr ee gobolka Nugaal ayaa waxaa qodaysa Shirkada Biyaha Nugaal ee NYWACO waxaana ka qayb qaadanaya Hay’adda Hadma, Pasaweyn, World Vission iyo Care International oo isugu jira hay’ado wadani ah iyo kuwo Caalami ah.

 

Ceelka ayaa qodistiisa Xariga laga jaray waxaana munasabadda furista ka qaybgalay Masuuliyiinta Shirkadaha Biyaha sida NUWACO,Madaxda Hay,adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee puntland,Hay,adda World Vission oo Dhanka dhaqaalaha gacan ka gaysatay, Howlwadeeno ka socday Hay,adda Care International iyo Dadweynaha Deegaanka Kalabayr ee Degmadda Garoowe.

 

Isuduwaha hay’adda Pasaweyn ee Gobolka Nugaal Faysal Maxamuud Nuur ayaa ugu horeyn ka hadlay Munasabadda ,waxaana uu sheegay in diyaargarowga helitaanka ceel deegaanka kala bayr in la bilabay sanadkii 2010 aanse xiligaa lagu guulaysan,iminkana ay noqotay xilligii ay nasiibka u yeelatay Tuuladda kalabayr qodista ceelkan oo ay ku guulaysatay in ay qodo shirkadda NUWACO oo uu Xusay in ay si weyn ugu kalsoonyihiin in ay gacanta ku hayso .

 

Agaasimaha Mashariicda PASAWEYN Mukhtaar C/raxmaan ayaa isna sheegay in Deegaanka kalabayr uu ka mid yahay meelaha ku liita biyaha iyadoo biyaha ugu dhow yihiin deegaanadda Burtinle,Rabaable,Awrculus balse ay maanta Nasiib u yesheen in loo bilabo ceel laga filayo inay kaga kaaftomayaan Biyaha fog fog isla markaana laga rajaynayo in ay ka faaiidaystaan dadka deegaanku.

 

Madaxa Mashruuca Biyaha ee Hay,adda World Vission C/raxmaan Xuseen Xasan ayaa isaguna goobta ka xusay in mashrucaan mudo dheer la sugayey ogolaanshihiisa iyo dhaqaale u helidiisa balse markii lasoo helay la waayey cid lagu aamino Fulintiisa,iyadoo markii danbe tartan la qabtay ayna ku guulaysatay shirkadda NUWACO oo la wareegtay qandaraaska.

 

Eng, Cabdi Xasan Muuse oo ah ninka Cilmi barista Goobta Ceelka laga taagay sameyey ayaa qaatay isna hadalka waxaana uu sheegay in ay adeegsadeen qalabka loo yaqaan Geological Service ( GS) kazoo aanu ku oganay macluumaadka dhulka loo dooray in laga qodo ceelka kalabayr,waxaa uu sidoo kale sheegay Eng,Cabdi in markii ay ururiyeen xogtii ceelasha dhamaan xogihii laga hayey ee biyaha eek u xiriirsam ama la dariska ah biyaha kalabayr ay ku Cabireen qalabka GS ee loo isticmaalo cilmi barista Biyaha Raadintooda & Macluumaadka la xiriira.

 

Eng, Cabdi Xasan Waxaa uu sheegay in ay deegaankani ay ku doorteen oo ay Ceelkan uga bilaabeen iyagoo tixgalinaya sadex qodob oo kala ah:-

 

In 340m – 400m lagu gaarayo dhulka biyuhu fadhiyaan ee deegaankan;

 

In halkaan ay ku haboontahay islamarkaana ay tahay dhul xooluhu kusoo aroori karaan kana cabi karaan oo haysata dhul baxadleh oo xoolo badan mar wada imaan karayaan.

 

In ay sahal u tahay biyogelinta magaaladda xiliga ku haboon in magaalada biyaha looga soo qabto

 

Eng, Cabdi Xasan ayaa sidoo kale sababeyey in NUWACO qodo Ceelkan kasokow tartankii qandaraaslayaasha oo uu xusay in NuWACO ceelal badan puntland ka qoday ayna tahay shirkadda kaliya ee ceel ay oday aan wali biyo laga waayin ama uusan dumin ceelkii,taasina ay sabab u tahay qalabka tayada leh ee ay haystaan iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah ay tahay.

 

Cumar Faruuq oo ka mid ah madaxda shirkadda Isgaarsiinta Golis kana mid ah dadka deegaanka kalabayr ayaa ayaa sheegay in ay tani tahay guul usoo hoyatay dadka deegaanka ,waxaana uu kula dardaarmay shirkadaha iyo Hay,adaha wada in ay muujiyaan waxqabad wax ku ool ah ee aanay .

 

Gudoomiyaha Shirkadda NUWACO C/samad Islaam Maxamed oo ah shirkadda Ceelkan qodaysa ayaa cod baahiyaha lagu soo dhaweyey waxaana uu balanqaday in ay dadaal dheer u galayso shirkadiisu qodista iyo dhamaystirka ceelkan oo ka mid ah kuwii ay shirkadu hore ugu soo guulaysatay .

 

Gudoomiye C/samad Islaan Waxaa uu dadka deegaanka ka codsaday in ay kashaqeyaan sidii loo heli lahaa Ceel biyo kaafiya deegaanka laga soo saaro ,iyadoo ay adkaynayaan lashaqaynta dadka gacanta ku haya shaqada iyo ilaalinta Nabadgelyadda Goobta ” dadaal ayaan u galaynaa sidii dhaqso loogu dhamayn lahaa ceelka,deegaankana waa deegaankayagii si wadaniyad ku dheehantahay ayaanu ugu hagar baxaynaa hadii ilaahay ogolado” Gudoomiye C/samad Islaan Maxamed.

 

Gudoomiyaha Kalabayr Abshir C/laahi Maxamuud ayaa u mahadceliyey Hay,adaha & Shirkadaha gacanta ka gaystay ,waxaana uu si gaara u amanay shirkadda NUWACO ee bilowday qodista Ceelka oo uu xusay in ay tahay shirkad lagu bartay ka run sheegid iyo hufnaan shaqo .

 

Abshir waxaa uu shacabka deegaanka kalabayr ka codsaday in ay maal iyo xoogba u huraan dhismaha iyo hirgelinta helitaanka Ceel biyoodka Kalabayr.

 

Siciid Wayrax oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa isna sheegay in ay diyaar la yihiin wixii kalaan kooda ah dadka deegaanka ee kaga beegan dhismaha ceelka laga bilabay deegaanka ay ku noolyihiin.

 

Mareeyaha Hay,adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee puntland HADMA ayaa sheegay in deegaanka Kalabayr mudooyin hore la isku dayey in ceel laga qodo iyadoo xiliyadii dowladii dhexena la isku dayey ceelka lakiin la waayey biyihii,waxaa kaloo uu xusay in hay,adiisu xiligii abaaraha ay ka codsatay Hay,adda World Vission in ay ceel ka qodaan deegaanka Kalabayr balse dhaqaale loo waayey xiligaas balanqaadkii waqtisaana uu keenay in xiliga maanta ah loo helo dhaqaale lagu fuliyo qodaalka ceelka kalabayr.

 

Mareeyaha HADMA Waxaa uu sheegay in xafiiskiisa qaylo dhaan badan uga timaado deegaano badan oo xiliyada abaaruhu jiraan laga waayo biyo ,waxaana xiliga baahida hadii aanay dhaqaale u hayn qaylo u dirtaa hay,adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeyan Biyaha si ay u *****laan baahida deegaanka ka taagan wuxuuna sheegay in dowladda puntland baahidaas 2 qaybood u kala qaaday sida:-

 

Mid loogu talo galo sidii baahidda markaa tagan loo *****li lahaa.

 

Mid loogu talo galo in mustaqbalka soo socda looga hortago dhibaatada Biyo la aaneed ee soo noqnoqonaysa sidaa darteed ayuu yiri ceelka kalabayr waxaa uu ahaa mid ku yimi ku talo gal ka hortag dhibaato biyood.

 

Mareye Cayrow waxaa uu dadka deegaanka kula dardaarmay in ay adkaystaan fursada ceelka lagu keenay iyagoo gacan ka gaysanaya qodista Ceelka ,waxaa kaloo uu shirkadaha NUWACO & PSAWEYN ku booriyey in ay iska kaashadaan sidii loo dardargelin lahaa shaqada baxada leh ee Ceelkan iyo kuwa soo socdaba.

 

Dhanka kale Sarakiil ka socotay Hay,adda Care International ayaa shaaca ka qaaday in ay gacan ka gaysanayaan biyo gelin sidii ay u heli lahayd Magaaladda Kalabayr marka loo dhamaystiro qodista Ceelka Maanta la bilabay ,Fartuun oo ka mid ah howl wadeenadda Care ayaa sheegtay in ay heshiis ku yihiin hay,adda kale ee WV in ay qodaalka ka gadaal biyo galin & Nadaafada Magaaladda kaga qaybgalidoonto Mashruuca” Deegaanka kalabayr Care waxaa ay ka qabanaysaa marka ceelkan dhamado mashruuca Nadaafadda & Biyogelinta Xarumaha arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhismayaasha bulshadu ku dhaqantahay si looga faaiidaysto biyaha ceelka laga qodayo magaaladda Kalabayr” Fartuun.

 

Si kastaba ha ahatee ma ahan markii ugu horaysay ee Shirkadda NUWACO ay deeganadda puntland ka hirgaliso Ceel biyood ay ka faaiidaystaan Dadka & Duunyada ku nool deegaankas,iyadoo shirkadu dhawaan ceel biyood baxad biyood leh ka dhamaystirtay deegaanka Buubi ee Degmadda Jariiban ee Gobolka Mudug.

 

www.puntlandi.com

 

p.jpg

145.jpg

148.jpg

149.jpg

150.jpg

151.jpg

152.jpg

153.jpg

157.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this