Sign in to follow this  
Dr_Osman

Ina Gaas Finally Declares His Ticket For Villa Somalia.

Recommended Posts

Munaasibad si heer Sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Hotel Plaza ee Magaalada Muqdisho taasoo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin, Dad weyne iyo Siyaasiin kala duwan.

**

Munaasibadan ayaa ahayd mid lagu maamuusayay* Isu soo taagidda Jagada Madaxweynaha* Soomaaliya Ra’iisul Wasaare gaaz.

**

Munaasibadda ayaa waxaa ka soo qayb galay illaa shan iyo Toban Waziir oo ka mid ah Wasiirada Ra’iisul Wasaare gaaz mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Pontland iyo Marti Sharaf kale oo halkaa lagu Casuumay.

**

Wasiirka amniga Gudaha ee maamulka Pontland oo Munaasibadaas ereyo ka soo jeediyay ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin isla markaana ay taageerayaan sidii uu Ra’iisul wasaaraha xilkaas ugu guulaysan lahaa.

**

Ka hor intii uusan Ra’iisul wasaare gaaz halkaa khudbadda ka jeedin ayaa waxaa halkaa lagu Daawaday Filim Dikumentery ah oo ka hadlay wax qabadkii mudadii ay jirtay Xukuumadda uu Ra’iisul wasaaraha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz.

**

Munaasibaddaas ayaa Ujeedka loo qabtay waxaa ay tahay iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaruhu uu halkaa ka soo jeediyo war bixin dheer oo uu kaga hadlayo haddii uu ku Guulasyto xilkaas iyo waxa uu qabanayo.

**

Cabdiweli Maxamed Cali* Gaaz ayaa isagu hore aan u sheegin inuu xilkaas isu soo sharaxayo iyadoo maantana ay noqonayso markii ugu horeeyay ee uu shaaca ka qaadayo inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

**

Taageerayaasha maanta ka soo qayb galay Munaasibaddaas ayaa sheegey in ay taageersan yihiin Ra’iisul wasaaraha inuu isu soo taago Jagadaas.

**

Si kastaba Hadalkan Ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli Saacado ka hor Madaxweyne Shariif uu isaguna shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan in dib loo soo doorto isagoona intaa raaciyay* haddii uu ku guulaysan waayo qabashada Xilkaas mar labaad inuu ku qancayo lana shaqeeynayo* Shakhsiga ku Guulaysta Xilkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

Mudane C/weli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga dhawaaqayay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in lagu qiimeyn doono waxyaabihii ay qabatay xukuumaddiisa muddadii sannadkan ahayd ee ay jirtay.

 

"Haddii aad eegto waxyaabihii ay qabatay xukuumaddeyda muddadii yarayd ee ay jirtay waxaad i siin doontaa codkaada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka mid noqonaya murashaxiinta xusul-duubka ugu jira doorashada madaxnimo ee dalka.

 

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku faanay in dowladdiis ay howlo badan qabtay intii ay jirtay, isagoo si gaar ah u xusay ammaanka oo uu sheegay inay tahay mid ay guul weyn ka gaartay xukuumaddiisa intii ay shaqeynaysay.

*

"Sababta aan isugu sharraxay doorashada madaxnimo ee dalka waa inaan kalsooni buuxda ku qabo inaan guuleysan doono," ayuu yiri C/weli Gaas oo intaas raaciyay inaysan jirin cid ku dhiirran kartay sannad ka hor inay ololaha doorashada madaxnimo ee dalka ay ku qabto Muqdisho, taasna waxaa sababtay ammaanka oo la xaqiijiyay.

 

Wasiirrada xukuumadda C/weli Gaas oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan ra'iisul wasaaraha inuu xilka madaxnimo ee dalka isku soo taago iyagoo sheegay inay sumcad weyn ku heleen howshii ay qabteen halkii sano ee ay shaqeynayeen.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku biirayaa 19-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka aan awoodda lahayn.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dooran doona 275-xildhibaan oo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gudbiyaan magacyadooda odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, waxaana murashaxiinta kale ay cabsi weyn ka qabaan in doorashada ay kusoo baxaan madaxda dowladda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this