Sign in to follow this  
Saalax

Faroole oo Faramarooqsaday Soo Xulista Afar Kamid ah Xildhibaanada SSC (Faah Faahin)

Recommended Posts

Saalax   

Faroole oo Faramarooqsaday Soo Xulista Afar Kamid ah Xildhibaanada SSC (Faah Faahin)

 

Nairobi [Radio RBC] Waxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shirkii saxiixayaasha dhabaha looga baxayo ku meel gaarka oo shaley iyo maanta socday.

Shirka oo ay ka qeybgaleyn shan ka mid ah kooxda saxiixayaasha, kaddib markii uu ka baxay madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo ka carooday qoddobo ka mid ah wax yaabaha la soo jeediyay.

Shirka oo gabagabadiisa laga soo saaray ilaa siddeed qodob, oo ka mid yihiin:

*In xubnaha baarlamaanka ee ka immaanaya Gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn afar ka mid uu soo magaabo madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole, halka kuwa soo haray ay soo magacaabi karaan odayaasha beesha dhul bahante ee ku sugan Muqdisho,

* In la adkeeyo ammaanka guddiga farsamada ee ku howlaan soo xulidda baarlamaanka.

*In tirada baarlamaanka laga dhigo 275 mudane.

*In si wadajir loo cambaareeyo laaluusha lagu bixinaayo xubinimada baarlamaanka cusub in ugu yaraan qofkii noqonaya baarlamaan uu lee yahay aqoon.

*In la xaliyo khilaafka ka dhexjira maamulka Galmudug, kaddib markii dhawaan madaxweyne cusub la doortay, iyadoo uu hadda shirka Roud-Mapka uu ka qeybgalay Maxamed Caalin, arrintaasna waxa loo xilsaaray in uu xali madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay dhameystirka waxyaabaha ka haray qorshaha looga gudbayo KMG ah oo ku eg bisha August.

Markii shirka uu soo dhamaadahy waxa saxaafadda si wada jir ah u la hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga.

Ra’iisul wasaare Gaa ayaa sheegay in dhamaan wax yaabaha looga hadlay shirka la isku afgartay, wuxuuna intaa raaciyay in shirka uu si guul ah ku dhammaaday.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in shirka wax yaabaha looga hadlay ay ku jireen soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka cusub iyo shuruudaha looga baahan yahay oo ay ka ku jiraan aqoonta, inaanay dambi horey u soo gelin iyo musuq la’aan.

Waxa kaloo uu tilmaamay Mahiga in saxiixeyaasha Roud-Mapka ay isla garteen in guddiga farsamada ee soo xulidda xildhibaannada ay noqdaan kuwo madax bannaan oo dhexdhexaad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faroole oo Faramarooqsaday Soo Xulista SADEX Kamid ah Xildhibaanada SSC/KHaatumo (Faah Faahin)

 

Heshiiskii Faroole Iyo Mahiga

 

Consultative_Meeting_Nairob.gif

Consultative_Meeting2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this